Dowladda DRC Congo Oo Waraaqaha Aqoonsiga Safiirnimo Ka Gudoontey Danjire Ilyaas Cali Xasan

Image

Kinshasa Kongo DRC: Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane Ilyas Cali Xasan, nuqul ka waraaqaha aqoonsiga danjirnimo ee dalka DRC Congo waxaa ka gudoomey Wasiirka Arimaha dibadda dalkaas, Marwo Thérése Kayikwamba Wagner.

Danjire Ilyas, Iyo Wasiiradda Arimaha dibadda Congo, ayaa kawada hadley xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Nabada gobolka, fursadaha Ganacsiga, fududeynta Socdaalka iyo in Xabsiyada dalkaas laga sii daayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kuxeran.

Danjire Ilyas, ayaa dowladda DRC Congo, uga mahadceliyey sida ay usoo dhoweeyeen bulshada Soomaalida ah ee halkaas ku nool iyo soo dhoweynta diiran ay usameeyeen isaga iyo wafdigiisa mudada uu halkaas ku joogo socdaalka shaqo.

Ugu danbeyn waxaa kulanka labada dhinac lagu dhiirogaliyey kor u qaadidda maalgashatada, dhinacyada ganacsiga, iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa howlaha fududeynta dal ku galka iyo sharciyada deganaanshaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

- GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM