Dowladda federaalka oo sheegatay dilka in ka badan 50 AS ah

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in afar askari looga dilay howlgalka ka dhacay bariga Galguduud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa laba howlgal oo cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab waxa ay ku dileen 59 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Mid ka mid ah howlgalladaas ayay wasaaradda warfaafinta ku sheegtay in ay ka dhacday agagaarka deegaannada Gerile iyo Awsweyne ee gobolka Galguduud, halka howlgalka labaadna uu ka dhacay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in afar askari looga dilay howlgalka ka dhacay bariga Galguduud. Dhanka kale, ma jiraan cid si madax-banaan u xaqiijisay sheegashada labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM