Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Image

Garowe, Soomaaliya — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa billowday olole diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed oo ay ku doonayso xoojinta midnimada iyo qaranimada dalka, kaddib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland, tallaabadaas oo ay Muqdisho ku tilmaantay faragelin ka baxsan sharciga caalamiga ah.

Kadib go’aanka Israa’iil, madaxweynaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu soo baxay aqoonsigaasi si joogto ah ula xiriiray hoggaamiyeyaal dalal iyo ururro caalami ah, isaga oo ka codsaday in ay ka horyimaadaan tallaabadaas. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu khatar ku yahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya isla markaana uu jabinayo mabaadi’da qaranimada iyo madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Xogaha la helayo xiriirkaas ayaa tilmaamaya in madaxdaasi ay isla qireen in ilaalinta qaranimada Soomaaliya aysan ahayn arrin gorgortan geli karta, balse ay madaxweynaha ka dalbadeen in xal laga gaaro arrimaha siyaasadeed ee keenay wada-shaqeyn la’aanta u dhexeysa dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

Dhanka kale, ilo xogogaal ah oo lagu kalsoon yahay ayaa GO u sheegey in Dowladda Federaalka saacadihii la soo dhaafay dadaal ku bixisay la xiriiridda siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameedyo ka soo jeeda maamul-goboleedyada qaar, gaar ahaan Puntland, kuwaas oo looga codsaday in ay ka hadlaan arrinta aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isla markaana ay muujiyaan mowqifkooda.

Shalay, magaalada Garowe, Suldaan Garaase oo ka mid ah isimada sida weyn looga ixtiraamo Puntland ayaa si fagaare ah uga hadlay arrinta, isaga oo eedeyn u jeediyay hoggaanka Puntland kuna baaqay in si degdeg ah loo caddeeyo mowqifka rasmiga ah ee xukuumadda ee ku aaddan Somaliland. Hadalka Suldaanka ayaa saacado kadib lagu baahiyay telefishinka qaranka ee SNTV.

Tan iyo markii uu soo baxay warka aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in tallaabooyinka Villa Soomaaliya ay saameyn ku yeelan karaan xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada.

“Mas’uuliyadda ugu dambeysa waxay saaran tahay madaxweynaha,” ayuu Garowe Online u sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Farax Juxa. “Madaxweynaha waxaa loo dhaariyay ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka. Maanta ma jiro dastuur ay dhammaan dhinacyadu isku waafaqsan yihiin, taasna waxay wiiqday jiritaanka midnimo qaran oo dhab ah.”

Sidoo kale, qaar ka mid ah sharci-yaqaannada Soomaaliyeed ayaa Garowe Online u sheegay in ilaalinta midnimada qaranka iyo dhowrista dastuurka ay tahay waajibaad si toos ah u saaran madaxa ugu sarreeya dalka, iyaga oo xusay in maamul-goboleedyadu ay yihiin xubno ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Farmaajo oo Dowladda ku Eedeeyay Caburin Bannaanbax, Kana Digay Xadgudub Dastuuri ah

Farmaajo ayaa sheegay in bannaanbaxyadu yihiin muujin nabadeed oo shacabka ay ku cabbirayaan cabashooyinkooda la xiriira maamulka iyo hoggaanka dalka.

  • Soomaliya

    10-05-2026

  • 06:25AM

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM