Dowladda federaalka Soomaaliya miyay aqoonsatay Macawiisleyda?

Image
Lama oga waxa qaramaynta Macawuusleyda ay kaga duwanaan doonto ciidamadii hoggaamiye kooxeedyada.

MUQDISHO, Soomaaliya - War saxaafadeed kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada ayaa lagu bogaadiyay kacdoonka beelaha ee ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Dowladda oo aanan weli salka u dhigin qorshe hawlgal ciidan oo dalka oo dhan ah, ayaa kdib cadaadis badan oo kaga yimid ra’yiga dadweynaha waxa ay hadda u muuqataa in ay garoowsato dedaalka shacabka ay isaga xoreynayaan xoogaha xagjirka ah.

War saxaafadeed ka ayaa lagu sheegay in la samaynayo xarun qaran oo laga kala wado hawlaha la dagaalanka Alshabaab, taas oo balse hawlaha ay qabanayso aanan la faahfaahin.

Balse waxyaabaha laga filayo waxaa ka mid ah hub, saanad iyo waliba xog sirdoon oo lagu caawiyo dagaalamayaasha beelaha ee maalin kasta gaaraya guulaha cusub.

Iyada oo ay taasi jirto ayay dad badani welwel ka qabaan cawaaqibka ka dhalan kara haddii ay dowladda hubeyso beelaha iyo halka uu hubkaasi ku dambeyn doono mustaqbalka. Qodob kale oo ku jirey war saxaafadeedka xukuumadda ayaa ahaa in la qarameeyo Macawuusleyda kadib dagaalada.

Horey waxa ay dowladda u qaramaysay mooryaantii hoggaamiye kooxeedyada, taas oo hadda la sheego in ay tahay sababta ciidanka xoogga dalka uu wax badan u qaban la’yahay, iyaga oo ka hub iyo saanad badan Alshabaab. 

Lama oga waxa qaramaynta Macawuusleyda ay kaga duwanaan doonto ciidamadii hoggaamiye kooxeedyada.

Hadda dowladda waxa ay ku jeeddaa deegaanada Alshabaab lagula dagaalamayo, balse waxaa weli dowladda ka war sugaya Shacab badan oo aanan awood u lahayn in ay Shabaabka la dagaalamaan, keliyana sugaya garabka dowladda.

Al-Shabaab ayaa si weyn u xoogaystay shantii sano ee lasoo dhaafay, maadaamaa dowladdii hore ay Arrimaha siyaasadda uga mashquushay la dagaalanka kooxdani. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u egtahay in dowladda ay haatan kusoo baraarugeyso xaqiiqada amni ee dalka ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM