Dowladda oo "ahmiyad siineysa" dhisida kalsoonida maamulada

Image
Cilaaqaadka labada dhinac ayaa hooseeyay bilooyinkii ugu dambeeyay qodobo kala duwan aawadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka ah iyo dib u heshiinta Axmed Macalin Fiqi ayaa Muqdisho ka furay shir la xiriira "Kulanka xoojinta xiriirka wadashaqeynta bulshada rayidka ah bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aaddan geedi socodka nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta".

Fiqi ayaa ugu horreyn waxaa uu ka hadlay ahmiyadda kalsooni dhisidda ee u dhaxeysa dowladda federaalka ah, maamul goboleedyadda xubnaha ka ah iyo guud ahaan bulshada.

"Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado," ayuu yiri.

Cilaaqaadka hogaanka dalka iyo maamuladda qaarkood ayaa hooseeya sababo ku aadan is-faham-waa ka taagan qodobo ay kamid yihiin kheyraad-qeybsiga iyo awood-qeybsiga.

Dhanka kale, wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ku baaqay joojinta dhammaan colaadaha ay abuureen arrimaha daaqsiinka, cimilada iyo qaabab kale ku yimaada.

"Waxaan ka shaqeyneynaa hindiso la xiriira joojinta colaadaha deegaanka iyo daaqa ku saabsan, lagana shaqeeyo nabad dhis iyo dib u heshiin laga shaqeeyo," ayuu tibaaxay.

Ugu dambeyntii, waxaa uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiiinta ugu baaqay beesha caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay taageeraan umadda ay abaarta heyso isaga oo yiri "Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM