Dowladda oo beenisay warar laga faafiyey "halganka" Macawiisleyda

Image
Dadka buun-buuninaya warbixinada ayay ku tilmaamtey "xaasidiin" iyo "laba Shabaab oo wadashaqeysta".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay warar lagu baahiyey baraha bulshadda oo ku saabsan in ay hubeyneyso qabaa'ilada bilaabay kacdoonka Macawiisleyda.

Wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi oo u waramay Garowe Online Twitter Space ayaa dadka buun-buuninaya warbixinadaas wuxuu ku tilmaamay "xaasidiin iyo lashaqeystayaal Al-Shabaab".

Sidda laga soo xigtey hadalka Fiqi, shaqsiyaadka karkarinaya aragtidan wuxuu ku qeexay in ay u badan yihiin "mas'uuliyiin ka tirsanaa maamulkii xukunka dalka looga adkaadey ee Maxamed Farmaajo".

"Dadka muuqaalada kasoo duubanaya Turkiga ee dacaayadaha raqiiska ah ka faafinaya kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah argagixisadda ciyaalka Tiktok-ga ayaa ku filan oo ka adkaadey annaga in aan u jawaabno maba ahan," ayuu yiri.

Shacabka ayuu cod dheer ku waydiistey in ay taageero buuxa u waydiiyaan ololahan ka soconaya qaar kamid ah gobolada dalka gaar ahaan gobolada Hiiraan, Baay iyo qaybo kamid ah Galgaduud.

Sida ay warisay warbaahinta dowladda, in ka badan 30 degaano oo ay ku jiraan degmooyin waaweyn ayaa Al-Shabaab looga xoreeyo howlgaladan waxaana looga dilay in ka badan 200 dagaalameyaal.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey telefishinka CNN ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa ku nuux-nuux-sadey in maamulkiisa uu halka sano soo aadan kusoo afjari doono Al-Shabaab.

Balanqaad kan lamid ah waxaa horey u sameeyay madaxwayne Farmaajo kaasoo ku guuldareystay shan sano uu xafiiska joogay in uu guul la taaban karo kasoo hooyo ololaha lagu dabar-goynayo argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM