Dowladda oo Ciidamo dhigtay Waddada Muqdisho iyo Afgooye oo Al-Shabaab Lagu arkay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa Jimcaha shalay ciidamo dirtay waddada isku xirta caasimadda Muqdisho iyo magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo gaareen aaggaas, isla markaana ay weerarayeen deegaano Xaawo Cabdi, Lafoole, Ceelasha Biyaha ay ku jiraan usbuuca oo dhan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay gudaha usoo gasho Caasimadda, maadaama waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye lagu arkay, iyagoo baaraya gaadiidka. Ciidamada ayaa la sheegay inay ka sameeyeen howlgallo ballaaran si ay u xakameeyaan xaaladda amni ee deegaanadaas.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in dagaalyahanno ka tirsan ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariire, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, subaxnimadii hore ee Jimcaha. Bariire oo ku yaal qiyaastii 65 kiiloomitir dhinaca koonfureed ee caasimadda Muqdisho ayaa waxaa marar badan laga soo sheegayay weerarro iyo dhibaatooyin ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in weerarka Bariire uu sababay khasaare, hase yeeshee ma jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maamulka gobolka ama dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda. Xaaladda amni ee Bariire iyo deegaanada ku hareeraysan ayaa ah mid faraha dowladda ka baxday, iyadoo ciidamada ay banaanka uga baxeen.

Dagaallada iyo weerarrada ay kooxda Al-Shabaab ka geystaan deegaanada dalka ayaa sii kordhaya, iyadoo dowladdu ay sheegtay in ay si xooggan uga hortagi doonto khatarta kooxda, oo bishan aad u korartay.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay jartay buundooyinka Bariire, Sabiid, Caanoole iyo Awdheegle, iyadoougu tala-gashay inaysan isticmaalin Ciidamada dowladda oo deegaanadaas ka baxay kadib weerar lagu soo qaadey dhawaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM