Dowladda oo Macawiisleyda uga tagtay jiida dagaalka AS ee Bartamaha Soomaaliya
Dagaalyahannada Macawiisley ee ku sugan gobollada bartamaha Soomaaliya ayaa ku hanjabay in ay joojin doonaan howl-gallada ay kula jiraan dagaalyahannada Al-Shabaab, kaddib markii lix bilood laga dib dhigay bixinta mushaharkoodii, taasoo saamayn weyn ku yeelatay dhaqdhaqaaqooda iyo awooddooda dagaal.
Malleeshiyada Macwiisleyda ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in lacagtoodii si ula kac ah loo hakiyey, inkasta oo ay garab istaageen ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka iyo deegaannada ku dhow.
Wararka laga helayo gudaha ayaa sheegaya in Macawiisleydu ay ka fiirsanayaan in ay ka baxaan fariisimaha ay ku sugan yihiin, sida Wargaadhi, Maxaa Saciid, Nuur Dugle, Xaaji Cali, Raaga Celle, Labo Garas iyo deegaano kale oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe. Lama oga sababta dhabta ah ee keenay in aan mushaarkooda la bixin lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Mid kasta oo ka mid ah dagaalyahannada Macawiisleyda ayaa dowladda ka ballanqaadday mushahar bille ah oo gaaraya $100 doolar. Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in lacagtaas la bixiyey laba bilood oo keliya, ka hor inta aan la joojin bixinta.
Dad deegaanka ah ayaa sheegay in niyad-jabka dagaalyahannada uu sii kordhayo, maadaama ay sagaal bilood ku jireen dagaal aan nasasho lahayn iyagoo aan wax lacag ah helin. Waxay sheegeen in dowladda aysan u muujin daryeel ama qadarin ku aaddan kaalinta ay ku leeyihiin difaaca khadadka hore.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaysatay in ay horumar ka samayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, taasoo qayb weyn ka qaateen dagaalyahannadan deegaanka ah ee Macawiisleyda.
Dhaliilaha loo jeedinayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii kordhaya, iyadoo mucaaradku ku eedeeyeen inuu aamusan yahay xilli difaacayaasha khadadka hore aan la siin mushaharkii la ballanqaaday. Madaxweynaha ayaa hore u sheegay inuu Al-Shabaab ku jebin doono saddex sano gudahood, balse kooxdaasi ayaa dhowaan sameysay horumarro waaweyn.
Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda wajahaysa duullaan xooggan oo ay wadaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo ay garab siinayaan ciidamada Maraykanka ee US Africa Command, howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika, iyo dagaalyahannada deegaanka ee Macawiisleyda.
GAROWE ONLINE