Dowladda oo shaacisay magacyada xubno ay "ka dishay" Al-Shabaab

Image
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay xustey in ciidanka ay la wareegeen degaan muhiim ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya ayaa la wareegay degaanka muhiimka ah ee Xawaadley ee ku yaala gobolka Shabeelaha Dhexe, sidda ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in milatariga ay howlgalka lagu qabtey Xawaadley ku khaarijiyeen saddex hogaamiye sarre oo ka tirsanaa kooxda argagixisadda ah.

Magacyadda horjoogeyaasha ayaa, sidda ku xusan war-saxaafadeedkan, waxaa ay kala yihiin; Maadeey Madoobe, Xamaali Kalombe iyo Mukhtaar Gabigoor.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDA

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa argagixisada Al-shabaab kala wareegay deegaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley, iyaga oo ku dilay in ka badan 30 ka tirsan Argagixisada oo ay ku jiraan saddex horjooge.

Argagixisada qaarkood ayaa la laayay ayagoo ku baxsanaya gaadiid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, ka dib markii ciidamada dowladda ay jihooyin kala duwan ka galeen deegaankaan, halka qaarka kalana lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii galiyaan Qaraxyo.

Hawlgalka waxaa lagu dilay Horjoogayaasha deegaannada wabiga ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo kala ahaa:
1, Maadeey Madoobe 2, Xamaali Kalombe 3, Mukhtaar Gabigoor.

Deegaanka Xawaadlay oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah oo ay argagixisada isaga kala gudbi jireen gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellha Dhexe, iyo goob ay ka so maleegaan dhibaatooyinka ay u geystaan dadka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada qatarka ah ku aha nolosha dadka iyo jiritaanka dalka iyo diinta.


Xawaadley oo ah degaan beereed muhiim u ah dhaqdhaqaaqa gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay ku lahayd fariisimo ay kamid yihiin maxkamado iyo goobo canshuur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo dabciyay mowqifkiisa, lana kulmaya Mucaaradka 

Kulanka ayaa la filayaa in lagu gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin hab-raaca doorashada 2026.

  • Soomaliya

    24-06-2025

  • 12:52PM