Ciidamada Soomaaliya oo "dilay" 200 xubno Al-Shabaab ah

Image
Wasaaradda warfaafinta ayaa xustey in ciidamadda ay "xoreeyeen" 30 degaano maleyshiyadda haysatay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay howlgalo cusub oo ciidamada dowladda federaalka iyo maleyshiyaadka Macawiisley ay ku beegsadeen Al-Shabaab.

Howlgaladan ayaa dhacay deegaanka Yasooman oo ku dhow degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan iyo deegaanka Warmahaan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasaarada warfaafinta xukuumadda federaalka ayaa sheegtey in ka badan 200 oo mintidiin ah ayaa la dilay, ku dhawaad ​​30 deegaan ayaa lagala wareegay Al-Shabaab intii ay socdeen howlgallada socda.

HOOS KA DAALACO WAR-SAXAAFADEEDKA

Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa lagu dilay ilaa iyo hadda in ka badan 45 dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkaan oo wali socda ayay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doontaa marka uu soo dhammaado.

Dhanka kale Ciidamada Xoogga Dalka ayaa toogtay sagaal dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah isaga abaabulaan.

Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee Qaranka.

Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaan laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen.


Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadan aadka u culus oo illaa haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM