Dowladda oo taliye u magacowday Galmudug xili ay xasarad jirto

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowladda Soomaaliya ayaa taliye cusub u magacowday saldhiga booliska ee degmada Guriceel xili taagan tahay xiisad u dhaxeysa xukuumadda iyo Ahlu Sunna.

Saldhigaan ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidanka dowladda kadib is-rasaaseyn dhexmartay askarta iyo xoogaga Ahlu Sunna.

Zakariye Cali, taliyaha cusub, ayaa kamid ahaa saraakiisha ay dowladdu geysay degaanadda dowlad goboleedka Galmudug.

Isqabqabsiga Villa Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ayaa daaran maamul dhisida Galmudug iyo soo xulista Xildhibaanada cusub.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo cambaareeyay "qalalaasaha" dowladda ayaa ku tartarsiiyey in ay joojiso isla markaana diyaar u noqoto in ay timaado miiska wada hadalka si loo xaliyo.

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha federaalka, ayaa sheegay in Galmudug ay haatan taagan tahay "meeshii ay ka guntami lahayd guusha ama guuldarada" maamul goboleedkan.

Shaakir oo beeniyay in lagala wareegay magaaladda Dhuusamareeb oo ay ka xorreeyeen Al-Shabaab ayaa cod dheer ku qeexay in aysan diyaar u ahayn dagaal ay la galaan dowladda Soomaaliya.

Galmudug, oo la aas-aasey 2015-kii, ayaa isku diyaarinaya doorasho xasaasi ah, waxaana isha kuwada haya Villa Soomaaliya oo madaxweyne daacad u ah ka dooneysa iyo mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM