Dowladda oo taliye u magacowday Galmudug xili ay xasarad jirto

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowladda Soomaaliya ayaa taliye cusub u magacowday saldhiga booliska ee degmada Guriceel xili taagan tahay xiisad u dhaxeysa xukuumadda iyo Ahlu Sunna.

Saldhigaan ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidanka dowladda kadib is-rasaaseyn dhexmartay askarta iyo xoogaga Ahlu Sunna.

Zakariye Cali, taliyaha cusub, ayaa kamid ahaa saraakiisha ay dowladdu geysay degaanadda dowlad goboleedka Galmudug.

Isqabqabsiga Villa Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ayaa daaran maamul dhisida Galmudug iyo soo xulista Xildhibaanada cusub.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo cambaareeyay "qalalaasaha" dowladda ayaa ku tartarsiiyey in ay joojiso isla markaana diyaar u noqoto in ay timaado miiska wada hadalka si loo xaliyo.

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha federaalka, ayaa sheegay in Galmudug ay haatan taagan tahay "meeshii ay ka guntami lahayd guusha ama guuldarada" maamul goboleedkan.

Shaakir oo beeniyay in lagala wareegay magaaladda Dhuusamareeb oo ay ka xorreeyeen Al-Shabaab ayaa cod dheer ku qeexay in aysan diyaar u ahayn dagaal ay la galaan dowladda Soomaaliya.

Galmudug, oo la aas-aasey 2015-kii, ayaa isku diyaarinaya doorasho xasaasi ah, waxaana isha kuwada haya Villa Soomaaliya oo madaxweyne daacad u ah ka dooneysa iyo mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM