Meesha "ay ka guntami doonto" guusha ama guuldarada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Iyadda oo waqtigu gabaabsi yahay, khilaafna uu wali taagan yahay, xukuumadda federaalka ah ayaa ku dhawaaqday "meesha ay ka guntami doonto guusha ama guuldaradda Galmudug".

Galmudug oo ka kooban gobolada Galgaduud iyo qayb kamid ah Mudug ayaa 2015-kii lagu aas-aasey Cadaado, maadaama caasimadii, Dhuusamareeb, ay haysteen Ahlu Sunna oo Al-Shabaab ka xoreeyeen meelo badan.

Dedaalo ay soo wadeen madaxdii kala duwanaa ee soo maray, aakhiritaankii, heshiis uu urur goboleedka IGAD garwadeen ka ahaa laguna saxiixay Jabuuti, waxaa lagu mideeyay laba dhinac.

Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xiligaas labadda dhinac wakiil ka kala ahaa. Shaakir ayaa Galmudug laga siiyey xilka Madaxa Xukuumadda Galmudug oo tan iyo xiligaas uu yahay.

Balse heshiiska ayaa burburay markii madaxda maamulka isku qabteen dhowr arrimood oo ay kamid tahay xilheynta Xaaf oo xiligaas mucaarad ku ahaa Villa Soomaaliya, awood qeybsiga iyo arrimo kale. Khilaaf cusub ayaana qarxay.

Kala qeybi, kadibna xukun

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala qeybisay maamulka. Ku xigeenka iyo afhayeenka baarlamaanka ayay ku xiratay, halka Xaaf uu garab ka helay Ahlu Sunna.

Dedaal dheer kadib, xukuumadda ayaa ku guuleystay in Ahlu Sunna qaab hoose heshiis ula gasho taas oo keentay in Xaaf uu kali noqdo dibna ugu laabto Cadaado oo heshiiskii Jabuuti u aqoonsanayo xarunta baarlamaanka.

Bartamihii June ra'iisul wasaare Khayre ayaa tegay Dhuusamareeb maalin kadib markii madaxweyne Xaaf ka hayaamay. Ma aysan ahayn markii ugu dambeysay, dhowr jeer kale ayuu halkaas ka degay.

Khayre ayaa la fariistay hogaanka Ahlu Sunna. Heshiisyo kala duwan ayay qalinka ku jiideen kahor inta uusan u duulin Cadaado, halkaas oo sidoo kale uu Xaaf kula kulmay iskuna afgarteen hanaanka maamul dhisida Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa bilowgii wada hadalada dowladda miiska soo saarto dhowr shuruud oo ay kamid tahay in Xildhibaanada cusub ay ku yeeshaan qoondo dhan 50%. Wakiilada xukuumadda way ogolaadeen.

"Wax tirooyin laysku cel-celiyaba, Ahlu Sunna waxay kusoo gurisay wax u dhigma 35 Xildhibaan ama albaabka waa xiran yahay. Arrinkaas wuxuu dowladda uga dhignaa 'ma carbaa dhamid leh ma caanaa qubid leh'".

Mr Sabriye oo isagu soo saarey, 22-kii June 2019, warqadda Ahlu Sunna loogu balanqaaday in 89-ka mudane ee Galmudug loosoo ay heli doonan 35-kamid ah ayaa wuxuu meesha ka saarey in ay ku balan-fureen.

"Intaasi cid ka dafirtay oo aan ogohay ma jirto. Sidaan horey u soo sheegay waa qiimihii looga iibsaday midnimadda Galmudug iyo albaabka wada hadaladu in uu furmo," ayuu carabka dhuftay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Guul ama guuldaro

Wallow hogaanka Ahlu Sunna ka cabsi qabo in uu fuli waayo yaboohaas, Sabriye ayaa cadeeyay in ay xusul-duub u geli doonan "sidii uu u fuli lahaa "qaanta ay u qaadeen danta midnimada iyo xalka Galmudug".

"Waxaan dhihi karnaa waxaa noo haray hal talaabo oo muhiim ah oo maxay tahay? Waa soo xulida Xildhibaanada iyo dhameystirka dhismaha dowlad goboleed, waana halkaas meesha ay ka guntami doonto guusha ama guuldaradda Galmudug," ayuu raaciyay.

Iyadda oo wasiirku caddeeyay in ay Odayaasha Dhaqanka hordhigi doonan dalabkooda, Nabadoono ka hadlay Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in aysan ogolaan doonin in tiradaas Xildhibaanada ah la siiyo Ahlu Sunna.

"Waxaan ku boorinayaa Culimaa'udiinka Ahlu Sunna in ay joojiyaan jidgooyada ay u dhigayaan xulista Xildhibaanada iyo maamul dhisida Galmudug," ayuu ku daray wasiirka, oo rajeynaya in Odayaasha ku taageeri doonan qorshahooda.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in hogaanka Ahlu Sunna ay cadaadis ku saarayaan madaxda dowladda federaalka in loo qoro damaanad ka baxsan wareegtada Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Khilaafka Guddiga Doorashada

Ismaandhaafka soo cusboonaadey ee Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna ayaa ku qotoma magacaabida Guddiga Doorashooyinka maamulkan.

Sidda ku xusan heshiis ka kooban tobban qodob oo ay labada dhinac kala kala saxiixdeen gaar ahaan qodobkiisa 8aad, guddiga waxaa soo wada magacaabaya dowladda iyo madaxda dowlad goboleedka.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa dalbaday "in guddiga kala barkii" ay iyagu soo magacaabaan. Xukuumadda oo ay u cuntami weyday arrintaas ayaa isku dayday in ay ka qanciso, balse wada hadalada way fashilmeen.

Bishii October 22-keeda ee sanadkan 2019, Ahlu Sunna ayaa soo magacaabatay Guddi 11-xubnood oo doorasho maalin kadib markii dowladda federaalka ku dhawaaqday Guddiga Farsamada Maamul Dhisidda Galmudug.

Laba kulan oo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Wasiir Sabriye ku dhexmaray Dhuusamareeb 21-kii iyo 28-kii October oo daarnaa xalka magacaabida Guddiga doorashooyinka ayaa dhicisoobay.

Safar la qorsheeyay in ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku tago Dhuusamareeb si u qaboojiyo xiisadda cusub ayaa sidoo kale baaqday kadib burburka "lama filaanka ah" ee ku yimid wada hadaladaas.

"Aniga fekerkega, waxaa muuqata in Ahlu Sunna aysan daacad ka ahayn hanaanka maamul dhismaha Galmudug, haddeysan ka gaareyn dano iyaga gaar u ah, dherarka iyo dhumucda danahaasna ay iyagu sheegtaan," ayuu ku daray.

Warqaddii loo diray Beesha Caalamka

Ahlu Sunna oo warqad u qortay Beesha Caalamka ayaa sheegtay in dowladdu farogelin ku hayso dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo arrimaha doorashooyinka maamulka Galmudug.

Qoraalka ayaa lagu xusay xabado ay askar ka tirsan Ciidanka Dowladda ku rideen hoyga Sheekh Shaakir, bishii October, uu ahaa "isku day khaarjin" oo ay ka dambeyso xukuumadda federaalka "oo aan sharaxaad ka bixin".

Wasiir Sabriye oo warqadaas kasoo baxday xafiiska Shaakir ka falceliyay ayaa ku naqdiyey eedeynta farogelinta "sababta ay Ahlu Sunna u dooneyso 35-ka Xildhibaan" hadii ay gacma gacmeyn ka andacooneyso.

Isaga oo aan ka jawaabin sheegashada "shirqoolka dilka", wasiirka ayaa gebi ahaanba qoraalka ku sifeeyay "cadaadis" la doonayo in la saaro xukuumadda si ay ula kulanto shuruudaha Ahlu Sunna, taasoo uu meesha ka saarey.

"Waxaan arkaa in arrimaha loo diray Beesha Caalamka ay yihiin kuwa meel kale looga durbaan tumayo. Waxaan kula talin lahaa Ahlu Sunna Waljameeca 'nimaan kuu rari doonin yuusan kuu furin'" ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM