Puntland oo eedeymo culus u jeedisay Farmaajo

Image

GAROWE, Puntland – Isku dayga uu madaxweynaha waqtiga ka dhamaade Farmaajo uu ku khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadgelyada degaanada Puntland waa rafasho, sidda ay sheegtay Madaxtooyada Puntland.

Jaamac Dabraani, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Puntland ahna afhayeenka madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag wuxuu u cambaareeyay banaanbax shalay ka dhacay magaaladda Dhahar.

Mudaaharaadkaas oo Jaamac Dabraani uu ku sifeeyay "mid fowdo ahaa" iyo "kicin dadwayne" ayuu sheegay in ay abaabuleen Farmaajo iyo Jamaal Xasan, wasiirka qorsheynta xukuumadda xil-gaarsiinta ee Soomaaliya.

"Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Gamal Hassan waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen," ayuu ku daabacay bartiisa Facebook.

Wuxuu ku daray: "Abaabulada lagu khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadgelyada waa qeyb ka mid ah rafashada Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday!".

Hadalka Dabraani ayaa yimid markii dowladda Soomaaliya iyo Jamaal ay sheegeen in ay dhaleeceynayaan wax ay ugu yeereen rasaas nool-nool oo loo adeegsaday kala eryida banaanbaxyo nabadeed oo ka dhacay magaalada Dhahar.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed," ayaa lagu yiri qoraal ay daabacdey wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin".

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Villa Soomaaliya oo culeys siyaasadeed uu ka haysto in ay dalka u jiheyso qabashadda doorashooyin heshiis lagu yahay si loo aqbalo natiijada ka dhalata ayaa isku dayeysa in maamulada ka aragtida duwan ay siyaasad ahaan wiiqdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM