Dowladda Shiinaha oo markab dagaal usoo diraya Soomaaliya

Image
Shiinaha ayaa waxa uu doonayaa in maraakiibtiisa ay ka hortagaan weerarada dheeraad ah ee la filayo in ay ka yimaadaan burcad badeedda.

BEIJING, China - Saraakiisha ciidamada badda Shiinaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kordhiyaan howlgalka ay ka wadaan biyaha Soomaaliya, sidda ay ku warantay saxaafada.

Sida laga soo xigtay warbixinada, Shiinaha ayaa waxa uu doonayaa in maraakiibtiisa ay ka hortagaan weerarada dheeraad ah ee la filayo in ay ka yimaadaan burcad badeedda.

Taliyaha maraakiibta Shiinaha, Admiral Du Jingsheng, ayaa sheegay in ciidamadiisa ay u diyaar garoobeen howlgalka dheer ee adag.

Labo markab oo kuwa dagaalka ah iyo markab sahay ah ayaa isku dayi doona in ay ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga ee Shiinaha.

Iyadoo qayb ka ah ciidamada gaarka ah ee Shiinaha, waxaa sidoo kale jiri doona diyaarado helicopter ah oo wax ka qaban doona waxa Shiinuhu ugu yeero howlgalka adag ee xeebaha Soomaaliya.

"Shiinaha wuxuu iskaashi la yeelan doonaa ciidamada caalamiga ah ee la midka ah ee ku sugan gobolka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Guud ee Ciidamadda Badda China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM