Dowladda Shiinaha oo markab dagaal usoo diraya Soomaaliya

Image
Shiinaha ayaa waxa uu doonayaa in maraakiibtiisa ay ka hortagaan weerarada dheeraad ah ee la filayo in ay ka yimaadaan burcad badeedda.

BEIJING, China - Saraakiisha ciidamada badda Shiinaha ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay kordhiyaan howlgalka ay ka wadaan biyaha Soomaaliya, sidda ay ku warantay saxaafada.

Sida laga soo xigtay warbixinada, Shiinaha ayaa waxa uu doonayaa in maraakiibtiisa ay ka hortagaan weerarada dheeraad ah ee la filayo in ay ka yimaadaan burcad badeedda.

Taliyaha maraakiibta Shiinaha, Admiral Du Jingsheng, ayaa sheegay in ciidamadiisa ay u diyaar garoobeen howlgalka dheer ee adag.

Labo markab oo kuwa dagaalka ah iyo markab sahay ah ayaa isku dayi doona in ay ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga ee Shiinaha.

Iyadoo qayb ka ah ciidamada gaarka ah ee Shiinaha, waxaa sidoo kale jiri doona diyaarado helicopter ah oo wax ka qaban doona waxa Shiinuhu ugu yeero howlgalka adag ee xeebaha Soomaaliya.

"Shiinaha wuxuu iskaashi la yeelan doonaa ciidamada caalamiga ah ee la midka ah ee ku sugan gobolka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Guud ee Ciidamadda Badda China.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM