Dowladda Somalia "Waxaa la Rumeysan Yahay in la Dilay Cali Jabal"

Image

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in la rumeysan yahay in wakiilkii ururka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tooro-Toorow.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya ayay ku tiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).”

Cali Jabal ayaa muddo ahaa wakiilka kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho, isaga oo marar badna kasoo muuqan jiray warbaahinta.

Goor sii horeysay, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee Africa Command, waxaa lagu sheegay in 29-kii bishan July ay Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen howl-gal lagu dilay xubin ka tirsanaa Al-shabaab.

“Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka, ka dib markii ay heshay warar lagu hawl-gali karo iyo sirdoon sax ah, waxay qaadday weerar guuleystay, kaas oo ay ku dishay hal mintid oo ka tirsanaa ururka Al-Shabab.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wax dhibaato ah ayna dadka shicibka ah kasoo gaarin weerarkan.

Warsaxaafadeedka waxa lagu xusay in hawlgalku uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Tooratoorow ee koonfurta Soomaaliya.

VOA

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM