Dowladda Soomaaliya oo dayacdey ganacsatada Muqdisho

Image
Dhanacyada ku loomaya qaadista canshuurta suuqa ayaa dhawaan qarxiyay shirkado ganacsi oo suuqa ku yaalla

MUQDISHO, Soomaaliya – Qaybo badan oo ganacsiga Suuqa Bakaaraha ah ayaa maanta u xiran Canshuuraha xad dhaafa ah ee ay u soo rogeen Daacish, Al Shabaab iyo Dowladda Faderaalka ah sida uu shaaca ka dhigay hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in “ Ganacsatada ay xamiili waayey canshuur ay Daacish, Al-Shabaab iyo Dowladdu soo rogeen” kuwaas oo siyaabo kala duwan lacagta uga qaatada ganacsatada suuqa ugu wayn ee Soomaaliya.

"Shacabkii waa la dayacay, argagexiso ayaana baylah looga dhigay, halka ciidanka dowladda Beledweyne loo dhurayo si kuraas xildhibaanno loogu soo boobo," ayuu ku yiri qoraalkiisa Mr Warsame oo ah musharax madaxweyne.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in tani "caddeyn buuxda u tahay in ciidanka loo adeegsanayo dano siyaasadeed oo shakhsiyaad loo adeegayo, taliyayaashii ciidankana ay raalli ka yihiin fulinta danahaas” iyada oo dhamaan taliska ciidanka ku dhawaaqeen in ay faraha kala baxayaan arrimaha siyaasadeed.

"Ciidanka aan danta shacabka iyo tan qaranka u adeegaynin, canshuurta shacabkana lagu biilayo waa culays aysan cidina xamilli Karin," ayuu hoosta  ka xariiqay xilli maanta oo arbaco ah labo diyaaradood oo ciidan ah loo qaaday magaaladda Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ganacsata oo ay Suuqa Bakaaraha oo ay canshuur xad dhaaf ah horay uga qaadi jireen Dowladda Faderaalka ah iyo Al Shabaa ayaa hada kulmay cabsi galin iyo weeraro kaga imaanayo Ururka Daacish faracooda Soomaaliya.

“Hadii aad maalgashanayso 100$ waa in aad Al Shabaab siisaa toban boqolkiisa(10%), Dowladdu Dekada ayay ku qaadataa canshuurta hadana Daacish oo rabta inta Al Shabaab la siiyo oo kale ayaa suuqa ku sugan oo hanjabaad iyo cagajuglayn nagu haaya” ayuu GO u sheegay mid ka mid ah ganacsata suuqa oo diiday in aan magaciisa xigano cabsi uu qabo aargoosi awgeed.

Dhanacyada ku loomaya qaadista canshuurta suuqa ayaa dhawaan qarxiyay shirkado ganacsi oo suuqa ku yaalla halka kuwa kalana ay xireen goobahooda ganacsiga qabsi ka qabaan in la qaarajiyo awgeed sarkaal dhanka amaanka ah ayaa sidaasi laga soo xigtay.

Dhacdooyinkaan ayaa imaanaya xili dalka ka jiro khilaaf iyo loolan awoodeed oo kusoo biyo shubanayo doorashadda lagu soo wariyay in ay tahay tii ugu musuq maasuqa badneed.

Dhawaan ayay eheyd markii Jeneral Stephen Townsend oo ah taliyaha taliska ciidamada Mareykanka Afrika (AFRICOM), uu sheegay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay tahay kooxda ugu taajirsan unugyada ku xiran shabakadda Al-Qacida ee dunida ka howl-gala.

Qyaas ay sameysay dowladda Mareykanka, oo uu helay wargeyska New York Times bishii October 2021, ayaa muujineyso in dakhliga Al-Shabaab usoo xarooday sanadkii 2020 uu yahay 120 milyan oo dollar.

Al-Shabaab ayaa Soomaaliya ka sameysay dowlad dadban oo dhinac socota tan federaalka, taasi oo soo xareysay lacagtan oo badankeed ka timaada canshuurta iyo lacagaha kale ee laga qaado shacabka. Canshuurta xooggeeda ayaa Al-Shabaab uga soo xaroota dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada shacabka.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa wargeyska New York Times u sheegay in Al-Shabaab ay konteenar kasta oo kasoo dega dekedda Muqdisho ka qaado 90-dollar midka caadiga ah iyo $150 midka weyn.

Sarkaalka ayaa sidoo kale la wadaagay New York Times rasiit ay ku qoran tahay 250-dollar oo Al-Shabaab ay siisay muwaadin degan Muqdisho oo iibiiyey dhul uu lahaa, kaasi oo canshuur ay ka qaaday kooxda.

Dakhligan ayaa ka dhigan awoodda Al-Shabaab ay maanta taagan tahay halkii ugu xooganeyd, sida warbixinta New York Times ay tiri.

Dakhliga ay Al-Shabaab kasoo xareyso lacagta ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo ganacsiyada kale ee gaaraya $120 milyan ayaa ka dhigan inay aad ugu dhowdahay midka dowladda federaalka.

Miisaaniyadda 2021 ee dowladda federaalka, oo uu Garowe Online ku noqotay kadib warbixintan, ayaa waxaa ku qoran in dakhliga gudaha ee dowladda federaalka ee 2020 uu ahaa $269 milyan, oo $182 milyan oo ka mid ah ay aheyd canshuurta gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM