Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidan dheeraad ah oo diyaarad looga soo qaadey Muqdisho ayaa ka degay Raaskambooni, oo ku dhaw degmada Bandhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, iyadoo qorshaha dowladda uu u muuqdo inuu yahay duulaan lagu qaado magaaladda Kismaayo.

Dadka degan Raaskambooni ayaa wajahaya cabsi maadaama ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, oo ay wadaan Ciidamada Jubaland oo la keenay duleedka degaanka, kuwaasoo doomo ku yimid iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Jubaland ayaa ka tagey Kismaayo shalay markii doorashadda ay dhacday, waxaana ay isku dayayaan inay kahor tagaan askarta duulaanka ku ah xarunta KMG Jubbaland, oo ka socdaan dadaallo lagu dhisayo xukuumadda cusub ee Axmed Madoobe, oo markii 3aad dib loo doortay shalay.

Xiisadda Jubaland iyo dowladda Soomaaliya ayaa mareysa meeshii ugu xumayd, waxayna qarka u saaran tahay inay dagaal isku bedesho, hadii aan imaan xal kale oo wadahal ah, kaasoo ay ku baaqeen saaxiibadda Beesha caalaamka oo ka walaacsan xaaladda dalka uu marayo.

Dowladda Xasan Skeeh uu hogaamiyo ayaa martay wadadii tii ka horeysay, oo caan ku ahayd duulaanka Maamullada xubnaha ka ah nidaamka Federaalka dalka, waana markii 2aad oo la isku dayo in Axmed Madoobe la weeraro tan iyo 2019 oo doorashadiisa Kismaayo la mucaaraday.

Hadii uu dhaco dagaal, waxay wiiqaysaa qorshihii dalka AS looga saari lahaa, maadaama Jubaland ay tahay meesha ugu badan Kooxda ay joogto, waxaana ay gacanta ku haysaa gobolka J/Dhexe oo dhan. Sidoo kale, waxay caqabad ku tahay inay dalka doorasho ka dhacdo, maadaama siyaasad ahaan aan heshiis laga ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM