Dowladda Soomaaliya oo fahfaahisay qorshaha Masar ee AUSSOM

Image
Howlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa qorshuhu yahay inuu bilowdo sanadka dambe ee 2025-ka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar Cali Cabdi Awaare ayaa ka hadlay qorshaha ay ciidanka Masaaridu ugu biirayaan howgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kadib markii laga diidey qaar kamid ah goboleda Koonfureed ee dalka.

Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in ciidanka Masar ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya ee ku biira howlgalka AUSSOM aysanna xukuumadda Qaahira sinaba uga laba labayn doonin taageerada ay siinayso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

"Masar waxay noqon doontaa dalka ugu horreeya ee ciidamada cusub ee AUSSOM geeya Soomaaliya, weligeedna kama laba-labayn taageeradeenna", ayuu yiri Danjire Cali Cabdi Awaare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM