Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weeraro ka dhacay Sudan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay walaac ku saabsan weerarradii ka dhacay Suudaan, kuwaas oo lagu beegsaday kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka ee ku yaalla magaalooyinka Kassala iyo Port Sudan.

Dowladdu waxay weerarradan ku tilmaantay falal sii hurinaya colaadda ka taagan Suudaan, iyo sidoo kale khatar gelinaya xasilloonida guud ee Geeska Afrika. "Soomaaliya waxay si adag u diidday weerarrada lagu beegsanayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka, iyadoo hoosta ka xarriiqeysa in muhiimadda ugu weyn ay tahay ilaalinta nolosha dadka reer Suudaan iyo adeegyadooda aasaasiga ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo dowladaha gobolka in ay kordhiyaan dadaallada diblomaasiyadeed si loo joojiyo dagaalka iyo in la helo xal nabadeed oo dhammeystiran.

Dhinaca kale, ciidamada milatariga Suudaan ayaa duqeymo diyaaradeed ka geystay meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha, dekedda iyo hoteel ku yaalla caasimadda Khartoum. Weerarradan ayaa ka dhacay xilli dagaallo weli ka soconayaan magaalada.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM