Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weeraro ka dhacay Sudan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay walaac ku saabsan weerarradii ka dhacay Suudaan, kuwaas oo lagu beegsaday kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka ee ku yaalla magaalooyinka Kassala iyo Port Sudan.

Dowladdu waxay weerarradan ku tilmaantay falal sii hurinaya colaadda ka taagan Suudaan, iyo sidoo kale khatar gelinaya xasilloonida guud ee Geeska Afrika. "Soomaaliya waxay si adag u diidday weerarrada lagu beegsanayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka, iyadoo hoosta ka xarriiqeysa in muhiimadda ugu weyn ay tahay ilaalinta nolosha dadka reer Suudaan iyo adeegyadooda aasaasiga ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo dowladaha gobolka in ay kordhiyaan dadaallada diblomaasiyadeed si loo joojiyo dagaalka iyo in la helo xal nabadeed oo dhammeystiran.

Dhinaca kale, ciidamada milatariga Suudaan ayaa duqeymo diyaaradeed ka geystay meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha, dekedda iyo hoteel ku yaalla caasimadda Khartoum. Weerarradan ayaa ka dhacay xilli dagaallo weli ka soconayaan magaalada.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM