Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Serbia iyo Afrika

Image
Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr.Yuusuf Cali Maxamed oo safar shaqo ku jooga magaala madaxda dalka Serbia ee Belgrade ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity.

Agaasimaha ayaa kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ahba la yeeshay Madaxda amniga dowladda Serbia iyo kasoo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa, waxaana shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ka qeyb-galay 51 dal oo Africaan ah, ayadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Serbia iyo qaarada oo dhisan in ka badan 100 sano.

Xariirkan ayaa ah mid leh faa'iidooyin badan oo ay saldhig u tahay xoojinta xiriirka Qaarada iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarun u tahay, waxaana shirka lagu casuumaa madaxda Hey'addaha amniga ee Qaarada Africa.

Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Yuusuf Cali iyo la-taliyaha wasaaradda arrimaha Gudaha, gaasimaha ayaana mahad balaaran u jeediyay dowladda Serbia, asagoo ku bogaadiyay marti-gelinta wanaagsan ee shirka.

Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha XFS Dr. Yuusuf ayaa hambalyo u diray Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas iyo Diblomaasiyiinta ka howl-gala, asagoo ku amaanay sida hagar la'aanta ah ee ay Qarankoodda ugu shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM