Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Serbia iyo Afrika

Image
Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga Gudaha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr.Yuusuf Cali Maxamed oo safar shaqo ku jooga magaala madaxda dalka Serbia ee Belgrade ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Serbia-Africa Integrity.

Agaasimaha ayaa kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ahba la yeeshay Madaxda amniga dowladda Serbia iyo kasoo qeyb-galayaasha shir-weynaha la magac-baxay Sharafta Serbia iyo Africa, waxaana shirkan oo sanadkiiba mar la qabo ka qeyb-galay 51 dal oo Africaan ah, ayadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Serbia iyo qaarada oo dhisan in ka badan 100 sano.

Xariirkan ayaa ah mid leh faa'iidooyin badan oo ay saldhig u tahay xoojinta xiriirka Qaarada iyo dalalka Yurubta Bari oo ay Belgrade xarun u tahay, waxaana shirka lagu casuumaa madaxda Hey'addaha amniga ee Qaarada Africa.

Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Dr. Yuusuf Cali iyo la-taliyaha wasaaradda arrimaha Gudaha, gaasimaha ayaana mahad balaaran u jeediyay dowladda Serbia, asagoo ku bogaadiyay marti-gelinta wanaagsan ee shirka.

Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha XFS Dr. Yuusuf ayaa hambalyo u diray Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas iyo Diblomaasiyiinta ka howl-gala, asagoo ku amaanay sida hagar la'aanta ah ee ay Qarankoodda ugu shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM