Qarax ka dhacay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino oo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa maanta oo Jimco ah ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid lagu aasay wadada ku dhaw Warshadii hore ee Baasatada, kaasoo lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inay maqleen jug xoogan, kadibna ay arkeen uuro cirka isku shareertay, waxaana la sheegay inay waxyeeloobeen laba qof oo shacab ah, inkastoo khasaaraha rasmiga ah ee Askarta AMISOM aanan la ogeyn.

Kooxda Al Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacidda ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka maanta ee loo adeegsaday qaraxa miino, sida ay baahiyeen warbaahinta afkeeda ku hadasha.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la daalaan dhacaysa wax ka qabashada amniga caasimadda, oo weeraro joogto ah iyo dilal qorsheysan oo xad-dhaaf ah ay ka dhacayeen tan iyo markii Farmaajo awoodda iyo talada dalka la wareegay sanadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM