Dowladda Soomaaliya oo ku fashilantay gudbinta warbixin muhiim ah

Image
Image
Image
Image
Image
Warbixintan oo ah waajib daruuri ah ayaa waxay ku saabsan tahay ka hortagga hubka wax gummaadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Soomaaliya in ay soo gudbiso warbixin waqtigii laga sugayay ay ka dib-dhacdey, sidda ay sheegayaan illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Warbixintan ayaa waxaa doonaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isaga oo cuksanaya qaraarka 1540-aad ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidda ay xogta tilmaameyso, dowladda Soomaaliya ayaa waxay kamid tahay siddeed waddan oo caalamka oo dhan ah oo aan weli gudan warbixintan oo ah waajibaad aad muhiim u ah.

Warbixinta ayaa lagama maarmaan u ah in la qeexo tillaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadeyso si ay uga hortagto hay'adaha aan dowliga ahayn, oo ay ku jiraan ururada argagixisada, ay helaan hubka wax gumaada (WMD), sida bayooloji, kiimiko, shucaac, iyo hubka nukliyeerka.

Waajibka ayaa lagu waramay in ay sidoo kale kamid tahay wax ka qabashada alaabta loo isticmaali karo in lagu soo saaro hubkaas, kaas oo laga heli karo wadamada intooda badan.

193-da waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, 185 ka mid ah ayaa horay u soo gudbiyay warbixintooda, oo ay ku jiraan inta badan dalalka Afrika.

Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay weli ka mid tahay koox yar oo waddamo ah oo aan weli soo gudbin warbixintoodii ugu horreysay—ku dhawaad ​​20 sano kaddib markii qaraarka UNSCR 1540 la ansixiyay 2004-tii.

Wadamada kale ee ku guuldareystay inay soo gudbiyaan warbixintooda waxaa ka mid ah Waqooyiga Kuuriya, Gambia, Eswatini, Mauritania, Chad, Mali, iyo Guinea.

Sikastaba ha ahaatee, haddii dowladda Soomaaliya aysan gudbin warbixintan waxay keeni kartaa cawaaqib-xumo ay kamid tahay in hoos loo dhigo awooda ay ku heli karto hubka ay haatan u baahan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aqalk Cad oo baahiyay muuqaalka duqeyn lagu beegsaday Daacish gudaha Calmiskaad

Mareykanka ayaa toos uga qeyb-qaadanaya dagaalka Daacish ee ka socda Calmiskaad, kaasoo Ciidamada Puntland billaabeen December 2024.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 11:41AM

Sacuudiga Oo Heshiis Amni la galay dowladda Soomaaliya

Heshiiskaan ayaa qeexaya iskaashi toos ah oo u dhexeeya Waaxda Ammaanka Madaxtooyada Sacuudiga iyo hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 08:57AM