Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib loo cusboonaysiinayso heshiis militari oo la saxiixay sanadkii 1980, kaas oo u ogolaanaya ciidamada Maraykanka inay isticmaalaan dekedaha iyo garoomada diyaaradaha dalka, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Bloomberg. 

Qorshahan cusub ayaa sidoo kale ka sii fogaanaya heshiisyadii hore, iyadoo Muqdisho ay Washington u bandhigtay fursado ku saabsan helitaanka khayraad dabiici ah oo muhiim ah (critical minerals), taas oo ka dhigaysa dalab istiraatiiji ah oo dhinacyo badan leh. 

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa sheegay in tallaabadan ay ujeedadeedu tahay in la xaqiijiyo in dhammaan iskaashiga amni iyo heshiisyada la xiriira kheyraadka dalka ay maraan waddooyin rasmi ah oo ay maamusho dowladda dhexe, iyagoo adkeeyay in cid kale oo heer gobol ahi aysan sharci u lahayn inay heshiisyo caalami ah gasho. 

Arrintan ayaa si toos ah uga jawaabeysa dalab la mid ah oo ka yimid Somaliland, taas oo dhawaan sheegtay inay diyaar u tahay inay Maraykanka siiso marin militari iyo xuquuq gaar ah oo ku saabsan kheyraadkeeda dabiiciga ah, iyada oo raadinaysa aqoonsi caalami ah. 

Soomaaliya waxay ku dooday in dalkeedu leeyahay goob juqraafi ah oo aad u istiraatiiji ah—oo ku dhow marinada muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah iyo Badda Cas—taas oo ka dhigaysa xulasho muhiim ah oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah, gaar ahaan iyadoo Mareykanku diiradda saarayo la dagaallanka argagixisada sida Al-Shabaab iyo ilaalinta marinada maraakiibta. 

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika, iyadoo labada dhinac—Soomaaliya iyo Somaliland—ay isku dayayaan inay soo jiitaan danaha istiraatiijiga ah ee Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM