Dowladda Soomaaliya oo Qiratay Inay Ku Fashilantay Kiiska Garsoore Cumar Cartan.

Image

MUQDISHO – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u muujisay sida ay uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka Koobka Adduunka ee FIFA oo sanadkan ay si wadajir ah u martigelinayaan dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

Kadib markii la xaqiijiyay in Garsoore Cumar Cartan loo diiday gelitaanka Mareykanka, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bilowday dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo ballaaran oo lagu doonayay in xal degdeg ah loogu helo arrintan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xiriirro toos ah la sameysay dowladda Mareykanka iyo Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA si dib loogu eego go’aankaas, balse dadaalladii la sameeyay aysan suuragelin in wax laga beddelo xayiraadda lagu soo rogay garsooraha.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Garsoore Cumar Cartan uu yahay astaan muujinaysa kartida, adkaysiga iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Garsoore Cumar Cartan wuxuu tusaale muuqda u yahay kartida, adkaysiga iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed. Guulihiisa caalamiga ah waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynayaan in caqabadaha jira aysan hor istaagi karin in dhallinyaradeennu gaaraan heerarka ugu sarreeya ee caalamka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa sidoo kale xaqiijisay inay si buuxda u garab taagan tahay Garsoore Cumar Cartan, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada iyo dhiirrigelinta horumarkiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed, bahda isboortiga iyo dhammaan dadka muujiyay taageerada iyo garab-istaagga ay la barbar istaageen garsooraha muddadii ay socotay arrintan, iyadoo ku tilmaantay Cartan inuu yahay haldoor qaran oo guulihiisu ay dhiirrigelin u yihiin jiilalka soo koraya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka Oo Ka Hadlay Sababta Loo Diiday Gelitaanka Garsoore Soomaaliyeed Omar Artan

Afhayeen u hadlay Hay’adda Kastamyada iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) …

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:12AM

Diidmada Gelitaanka Mareykanka Ee Garsoore Omar Artan Oo Caro Ballaaran Abuurtay

Toddobaadkii hore ayay FIFA sheegtay in arrinta fiisaha Omar Artan si buuxda loo…

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 07:18PM