Dowladda Soomaaliya oo ruqsad siisey Bangiyo Caalami ah

Image
Ziraat Katılım iyo Banque Misr ayaa laga kala leeyahay dalakla Turkiga iyo Masar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ruqsad siiyey laba bangi caalami oo kala ah; Banque Misr بنك مصر oo fadhigiisu yahay Masar iyo Ziraat Katılım oo laga leeyahay Turkiga.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Bankiga Dhexe ayaa oggolaaday in shati (license) la siiyo labada bangi ee kala ah; Banque Misr iyo Ziraat Katilim. 

Shati siintan waxaa lagu ansixiyey shir ay yeesheen Guddiga Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya 02/Luulyo/2022. Howshan oo in muddo ah socotay ugu dambeyntii Guddiga Maamulka Bankiga waxay ku qanceen in labadaas Bangi ay so buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa. 

Sidaas daraadeed labada Bangi ee sare ku xusan waxaa loo oggolaaday inay ka shaqeyn karaan Soomaaliya.

Guddoomiya Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, ayaa yiri "waxaa farxad noo ah in Guddiga Maamulka Bankiga oggolaadeen shati sinta laba Bangi oo calami ah. Waa bangiyo waaweyn o0 wax badan kusoo kordhin kara hannaanka maaliyadda dalka iyo guud ahaan koboca dhaqaalaha".

Banque Misr iyo Ziraat Katilim waa labaddii Bangi ee u horreeyay oo calami ah oo rugsad loo siiyo inay dalka ka holwgalaan. Tani waxay muujinaysaa horumarka uu samaynayo dib-u-dhiska hannaanka maaliyadda dalka iyo kalsoonida maalgasha-dayaasha. 

Bankiga dhexe waxaa ka go'an horumarinta iyo ilaalinta xasilloonida hannaanka maaliyadda dalka.


Soomaaliya ayaa ku guda jirta mar-xalad soo kabasho ah gaar ahaan dhinacyadda maaliyadda, ammaanka iyo horumarinta waxaana talaabadda Bangiga Dhexe ay dhiiragelineysaa maalgashiga waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM