Dowladda Soomaaliya oo saacado xayirtay duulimaadyadii Baydhabo

Image
Go’aankan ayaa si degdeg ah loo bedelay, iyadoo markii dambe fasax loo siiyay shacabka in ay raacaan diyaaradahaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaka, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakisay duulimaadyadii shacab ee ku wajahnaa magaalada Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Go’aankan ayaa si degdeg ah loo bedelay, iyadoo markii dambe fasax loo siiyay shacabka in ay raacaan diyaaradahaas.

Sidoo kale, waxaa garoonka diyaaradaha la geeyay magacyada qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed, si ay u xannibaan in ay dhoofaan mustaqbalka dhow.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanadani ay damacsan yihiin inay ka qeybgalaan kulan uu iclaamiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadoo uu cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Laftagareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM