Dowladda Soomaaliya oo shaacisay go'aan la xiriira Ebola

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli Uganda oo ay dagan yihiin Soomaali badan laga helay kiiskii ugn horeeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaadeyso talaabooyin ay uga hortageyso in cudurka Ebola uu soo gaaro dalka, sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in ay qadiyadan kala kaashaneyso Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bulshada.

"Wasaaradda oo ka faa’ideysaneysa khubaradeeda dhanka Caafimaadka waxa ay bilaabaysaa baaritaan la xiriira caabuqa EBOLA oo lagu sameynayo dhammaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday," ayaa lagu yiri qoraalka.

Sida ku xusan bayaanka, talaabooyinka ay qaadeyso dowladda Soomaaliya ayaa ka dhashay kadib markii dalka Uganda oo ay ku nool yihiin Soomaali badan uu xaqiijiyey kiiskii ugu horeeyay.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa war saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Cafimaadka ee Jamhuuriyadda Uganda markii ay taariikhdu ahayd 20-ka Bishan September 2022, kaas oo ku saabsanaa in dalkaas laga helay kiisas la xiriira Cudurka EBOLA Virus Disease (EVD), waxa ay shaacinaysaa qodobada soo socda si looga taxadaro loona ilaaliyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka JFS oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bulshada, waxa ay qaadi doontaa talaabooyin looga hortagayo in uu cudurka soo gaaro dalka, maadaama wadanka Uganda oo hadda laga helay kiisas cusub ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u soo socdaala Magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka.

Wasaaradda oo ka faa’ideysaneysa khubaradeeda dhanka Caafimaadka waxa ay bilaabaysaa baaritaan la xiriira caabuqa EBOLA oo lagu sameynayo dhammaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday.


GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM