Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo xubin ka ah Ururka Bulshadda Bariga Afrika, ayaa si diirran u soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee Sabtidii lagu kala saxiixday magaalada Doha ee dalka Qatar, kaas oo u dhexeeya Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) iyo kooxda hubeysan ee M23.

Soomaaliya waxay si gaar ah uga mahadcelisay doorka muhiimka ah ee ay Dowladda Qadar ka qaadatay dhexdhexaadinta, taas oo horseed u noqotay in labada dhinac ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday muhiimada wadahadal joogto ah iyo fulinta buuxda ee heshiiska si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaada bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo guud ahaan gobolka Harooyinka Waaweyn.

Ugu dambayn, Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka, iyadoo balan qaadayso inay sii wadi doonto taageerada dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu doonayo horumar waara iyo nabadgalyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM