Dowladda Soomaaliya oo Toogatay Saddex Al-Shabaab ah oo Dilal ka Gaystay Muqdisho iyo Afgooye

Image

Muqdisho - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah fulisay xukun dil ah oo lagu riday saddex nin oo lagu helay dambiyo ah in ay ka dambeeyeen dilalka lix qof oo isugu jiray saraakiil amni, shaqaale rayid ah, dhaqtarka ciidanka, iyo dad shacab ah, kuwaas oo lagu dilay weerarro kala duwan oo ka dhacay Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Ragga la toogtay ayaa kala ahaa:

Cabdi Xasan Rooble – sida la sheegay wuxuu ahaa nin bambooyinka tuura, sidoo kalena dilal qorshaysan ka gaysta magaalada.

Ibraahim Cumar Xaaji Shamu’un – wuxuu ahaa sarkaal u qaabilsanaa dabagalka (surveillance) iyo fulinta dilalka qorsheysan.

Qudaama Xamze Yuusuf – xubno firfircoon ka ah unugga Ightiyaalat ee kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Banaadir.

Maxkamadaha ciidamada qalabka sida ayaa horey xukunno ugu riday saddexda eedeysane. Qudaama ayaa lagu xukumay bishii Janaayo 2023, halka Cabdi Xasan iyo Ibraahim Cumar lagu xukumay sanadkii 2022.

Mas’uuliyiinta garsoorka ciidamada ayaa sheegay in xukunka dilka ah lagu fuliyay kadib markii ay dhammaatay dhammaan heerarkii racfaanka, islamarkaana cadaaladda la marsiiyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u fulisa xukunnada dilka ah ee lagu rido xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee lagu helo dambiyada culus sida dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM