Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka
GAROWE, Soomaaliya (GO) — Kadib markii dowladda Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay dadaallada ay ku difaacayso midnimada iyo qaranimada dalka, dhacdadaan ayaa ku soo beegantey xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ka tirsan dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo fadhigoodu yahay Muqdisho.
Warar ku baahay baraha bulshada saacadihii la soo dhaafey ayaa muujinaya in xildhibaano iyo siyaasiyiin fadhigoodu yahay Muqdisho, kana soo jeeda inta badan deegaannada Puntland, ay dalbanayaan in hoggaanka Puntland, gaar ahaan madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, uu si cad u qeexo mowqifka maamulkiisa ee ku aaddan midnimada Soomaaliya.
Dalabkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay taageero ka raadineyso beesha caalamka, si loo adkeeyo qaranimada Soomaaliya loona waafajiyo mowqifka dalka xeerarka sharciga caalamiga ah, halka gudaha dalka ay ka soo baxayaan baaqyo ku saabsan in la yareeyo khilaafaadka siyaasadeed lana xoojiyo midnimada gudaha.
Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland loogu cadaadinayo inay caddeyso mowqifkeeda, xilli sharci ahaan ay tahay maamul-gobbled ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qof ku sugan magaalada Garowe, oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa GO u sheegay in Puntland aysan waligeed ka go’in Soomaaliya. “Puntland waa qayb ka mid ah dalka, madaxweynaha dalkuna waa Xasan Sheekh Maxamuud. Dowladda Federaalka waxay shaqo badan ka qabatay arrimaha dibadda inta xaaladaanu dhacdey gaar ahaan xiriirka beesha caalamka, balse waxaad mooddaa inay ka dhutineyso isku haynta dalka iyo dadka,” ayuu yiri.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Xoosh, ayaa sheegay in shacabka Puntland ay door muhiim ah ku leeyihiin ilaalinta midnimada Soomaaliya, isaga oo xusay in hoggaanka dalka uu ku jiro wejiga labaad ee howlaha loo soo xilsaarey.
Wasiirku kuma sheegin qoraalkiisa waxa wajiga labaad iyo howlaha loo soo xilsaarey madaxweynaha Puntland ay yihiin.
Dowlada Puntland ayaa dagaal kula jirtay muddo hal Sano ka badan kooxda argaixsada dagaal la dhan ah kooxda argagixisada ee daacish - Ciidamada Puntland ayaa u dhintey difaaaca dalka Soomaaliya iyagoo tageero aan ka helin dowlada Federaalka ee xilka haysa.
Dhanka kale, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in difaaca midnimada iyo madaxbannaanida dalka uu yahay waajib qaran oo wada saaran dhammaan dhinacyada siyaasadda.
“Waajib qaran ayay mucaaradku guteen, dowladdana waa mid dastuuri ah, maadaama aan loo kala harin difaaca midnimada, madaxbannaanida iyo gobonnimada dalka,” ayuu yiri Taabit. Wuxuu intaas ku daray in waajib kale oo muhiim ah uu hadda horyaallo dalka, kaas oo ah xoojinta midnimada gudaha iyo ku-soo-laabashada heshiiskii dastuuriga ahaa ee Soomaalidu ku mideysnayd, si looga baaqsado firaaq dastuuri ah oo halis gelin kara midnimada iyo qaranimada dalka.
Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u kala qeexaya awoodaha Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Qodobka 1aad wuxuu dhigaya in Soomaaliya tahay dal mideysan oo leh hal qaranimo iyo hal dowlad, halka Qodobka 54aad uu si gaar ah u qeexayo in arrimaha difaaca qaranka, siyaasadda arrimaha dibadda, iyo ilaalinta madaxbannaanida ay yihiin awoodo u gaar ah Dowladda Federaalka. Sidoo kale, Qodobka 50aad wuxuu adkaynayaa in xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyadu ku dhisan yahay wada-shaqeyn iyo ilaalinta midnimada qaranka.
Dowladda Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin baaqyada ugu dambeeyay ee ku aaddan in ay caddeyso mowqifkeeda, balse ilo ku dhow maamulka ayaa GO u sheegay in Puntland ay weli ku adkaysanayso mowqifkeedii hore ee ahaa in ay tahay dowlad goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
GAROWE ONLINE