Dowladda Turkiga oo markab kale usoo dirtay Soomaaliya

Image
Markabkaan ayaa shalay ka soo shareecday dakedda Turkiga waxaana uu usoo gaari doonaa Muqdisho dhowaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida Shixnad Gargaar ah, kaas oo loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dantayar, waxana uu ku yimid dalab dhawaan hay’adda SoDMA u dirtay dalkaas.

Markabkaan ayaa shalay ka soo shareecday dakedda Turkiga, isagoo oo ay halkaas ka soo sagootiyeen madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaha kala ah bisha cas Turkiga (Kızılay ) iyo Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Turkiga ee (AFAD).

Mucaawinadan ayaa looga talagalay in lagu taageero looguna hortago abaarta la saadaalinayo in ay dalka ka dhacdo ee LaNina oo ay dhawaan Hay’adda SoDMA ku dhawaaqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM