Dr Culusow: Warqadaha Villa Soomaaliya waxay abuurayaa fowdo

Image
Maamulka Farmaajo ayuu ku waaniyay in ay joojiyaan faafinta qorsaaladda aan sharciyadda lahayn.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dr Maxamud Maxamed Culusow oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sheegay in "Warqadaha kasoo baxaya Villa Somalia ay aas-aas u yihiin fowdada iyo nidaam-daradda Farmaajo ka waddo waddanka".

Dr Culusow oo hoos u dhigay muhiimada warqada ka soo baxday Villa Soomaaliya ayaa cadeeyay in Farmaajo uu ka shaqaynayo Fowdo iyo nidaam daro in dalka faraha la sii galo maadaama uu ku guuldaraystay in uu dalka doorasho ku hoggaamiyo.

“Runtii aniga maba arkin warqad ka soo baxay Madaxweynaha waxa aan arkay warqad uu ku saxiixanyahay wiilka warfaafinta u qaabilsan waxaa la rabaa in warqadaha rasmi ah uu madaxweynuhu ku saxiixanyahay” ayuu yiri Dr Culusow.

Dr-ka oo shaki galiyay in warqadaan Farmaajo soo saaray ayaa sheegay “ in lixda qodob ee warqada ku qoran aysan lahayn wax micno ah marka laga reebo in doorashada lagu carqaladaynayo.

"Warqada kama qornayn hadal dowladadeed," ayuu cadeeyay Dr-ka "qoraaladaan maahan kuwa sharci ah mana ahan kuwa ku dhisan dowladnimo".

Hadalka Dr.ka ayaa daba socda ka dib qoraal uu soo saaray madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo cinwaan uu uga dhigay “Hawlgalka ATMIS wuxuu ku shaqeynayaa habraaca amniga doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen madasha wadatashiga qaranka.”

Qoraalkaan oo jawaab u ah mid saacado ka hor xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka soo baxay ayuu Farmaajo ku sheegay in ATMIS aysan la wareegi doonin ammaanka Afisyooni, taas bedelkeedna ay ciidanka booliska uga dambeyn doonaan howlaha sugidda amaanka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale Farmaajo ayaa ku taliyey in doorashada laga reebo xildhibaanada beeshiisa ee baarlamaanka ka soo galay gobolka Gedo, kadibna ay heshiis ka gaaraan golaha wadatashiga qaranka ee RW Rooble iyo madax goboleedyada, oo ayagu aan wax dood ah ka qabin doorashadii Ceelwaaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM