Dufcadii 2aad ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Soomaaliya ayaa Muqdisho wuxuu maanta kusoo dhaweeyay dufcadii 2aad ee ururka 7aad ee kumaandooska Gorgor.

Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka Gen Maxamed Tahliil Biixi ayaa garoonka Muqdisho waxay ku soo dhaweeyeen Dufcadii 2aad ee ururka 7aad Ee kumaandooska gorgor oo Tababar gaar ah ku soo qaatay Dalka Turkiga .

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa tilmaamay in Ciidanka gorgor ay qeyb ka yihiin howlgalada Ciidanka XDS ay ka wadaan gobalada dalka, isagoo xusay in guulo ay ka soo hooyeen dagaallo ay la galeen argagixisada, tababarkooduna yahay mid kalsooni weyn ay ku qabaan.

Dhanka kale, wasiir Xasan ayaa tibaaxay in Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay qorshe ballaaran oo dib-u-habeyn tayeyn loogu sameynayo Ciidanka, taas oo lagu guuleystay.

Isaga oo hadalkiisa intaas kusii daray, wasiirka ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in kumaandooska Gorgor yihiin cudud ciidan oo Qaranka Soomaaliya uu ku faanayo.

Ciidanka kumaandooska Gorgor ayaa ah ciidan si gaar ah u tababaran oo carbis milatari iyo mid gaar ahba ku qaata gudaha xerada TURK-SOM ee Soomaaliya iyo waddanka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM