Dufcadii 2aad ee Gorgor oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Soomaaliya ayaa Muqdisho wuxuu maanta kusoo dhaweeyay dufcadii 2aad ee ururka 7aad ee kumaandooska Gorgor.

Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka Gen Maxamed Tahliil Biixi ayaa garoonka Muqdisho waxay ku soo dhaweeyeen Dufcadii 2aad ee ururka 7aad Ee kumaandooska gorgor oo Tababar gaar ah ku soo qaatay Dalka Turkiga .

Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa tilmaamay in Ciidanka gorgor ay qeyb ka yihiin howlgalada Ciidanka XDS ay ka wadaan gobalada dalka, isagoo xusay in guulo ay ka soo hooyeen dagaallo ay la galeen argagixisada, tababarkooduna yahay mid kalsooni weyn ay ku qabaan.

Dhanka kale, wasiir Xasan ayaa tibaaxay in Dowladda Soomaaliya ay ka sameysay qorshe ballaaran oo dib-u-habeyn tayeyn loogu sameynayo Ciidanka, taas oo lagu guuleystay.

Isaga oo hadalkiisa intaas kusii daray, wasiirka ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in kumaandooska Gorgor yihiin cudud ciidan oo Qaranka Soomaaliya uu ku faanayo.

Ciidanka kumaandooska Gorgor ayaa ah ciidan si gaar ah u tababaran oo carbis milatari iyo mid gaar ahba ku qaata gudaha xerada TURK-SOM ee Soomaaliya iyo waddanka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM