Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ugu yaraan 50 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan hogaamiye sare, ayaa lagu dilay duqayn diyaaradeed oo ay fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyagoo kaashanaya ciidamo caalami ah, waxaana duqayntu ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la soo saaray Arbacada maanta ah, ayaa lagu xaqiijiyay in duqayntan ay ka dhacday deegaanada Damasha iyo Shabeelow, halkaasoo lagu beegsaday gaadiidka dagaalka Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka waxa lagu sheegay in Mansoor Tima-Weeyne, hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, oo mas'uul ka ahaa diyaarinta iyo isticmaalka gaadiidka dagaalka ee weerarada, uu sidoo kale ku dhintay duqayntan. Tima-Weeyne ayaa dhawaan ka soo laabtay deeganka Bulo Fulay, wuxuuna waday gaadiid dagaal oo la soo hagaajiyay, kaasoo kooxda Al-Shabaab u isticmaashay weerarada.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay in duqayntan ay si taxaddar leh u qorsheeyeen, iyadoo lagu bartilmaameedsaday xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in hawlgalkan uu yahay guul weyn oo dharbaaxo ku ah awoodda dagaalka ee kooxda, islamarkaana uu qeyb ka yahay dadaallada socda ee lagu wiiqayo argagixisada gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM