Duqeymo Mareykanku Ka Fuliyey Buuraha Calmiskaad Oo Lagu beegsaday Daacish

Image

BOOSAASO – Ugu yaraan 10 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda ISIS ayaa lagu dilay duqeymo cusub oo ay diyaaradaha Mareykanku fuliyeen, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha kooxdaas, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Hilaac, ee Puntland.

Duqeymahan, oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa si gaar ah loogu beegsaday deegaanka Shakalayan, oo ah dhul buuraley ah oo ku yaalla inta u dhaxeysa togagga Balade iyo Miraale. Sida lagu sheegay, xubnaha la bartilmaameedsaday waxay ku jireen meel ay ku dhuumanayeen, kaddib markii ay ka baxsadeen howlgallo joogto ah oo laga fuliyey gobolka.

Taliska Puntland ayaa sheegay in duqeymahan ay yihiin qayb ka mid ah dadaallada lagu dabar-goynayo ISIS ee gobolka, waxaana ay imaanayaan labo maalmood uun kaddib markii ciidanka la-dagaallanka argagixisada Puntland ay gacanta ku dhigeen xaruntii dhexe ee ISIS ee ku taalay togga Miraale, oo ay ku jireen ceelal biyo iyo saldhigyo difaac oo kooxdaasi muddada dheer gacanta ku haysay.

Saraakiisha ayaa sheegay in xubnaha ka haray ISIS ay hadda isku uruursanayaan nawaaxiga Balade, meel u dhow magaalada dekedda ah ee Boosaaso, taasoo loo arko goob istiraatiiji ah oo ay uga dhuuman karaan duqeymaha sii socda.

Mas’uuliyiinta militari ee Puntland ayaa tilmaamay in howlgalka ka dhanka ah ISIS uu marayo gebogebadii, iyadoo la xoreeyey dhammaan deegaannadii kooxdaasi gacanta ku haysay tan iyo 15 sano ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM