Duqeymo Mareykanku Ka Fuliyey Buuraha Calmiskaad Oo Lagu beegsaday Daacish

Image

BOOSAASO – Ugu yaraan 10 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda ISIS ayaa lagu dilay duqeymo cusub oo ay diyaaradaha Mareykanku fuliyeen, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha kooxdaas, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Hilaac, ee Puntland.

Duqeymahan, oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, ayaa si gaar ah loogu beegsaday deegaanka Shakalayan, oo ah dhul buuraley ah oo ku yaalla inta u dhaxeysa togagga Balade iyo Miraale. Sida lagu sheegay, xubnaha la bartilmaameedsaday waxay ku jireen meel ay ku dhuumanayeen, kaddib markii ay ka baxsadeen howlgallo joogto ah oo laga fuliyey gobolka.

Taliska Puntland ayaa sheegay in duqeymahan ay yihiin qayb ka mid ah dadaallada lagu dabar-goynayo ISIS ee gobolka, waxaana ay imaanayaan labo maalmood uun kaddib markii ciidanka la-dagaallanka argagixisada Puntland ay gacanta ku dhigeen xaruntii dhexe ee ISIS ee ku taalay togga Miraale, oo ay ku jireen ceelal biyo iyo saldhigyo difaac oo kooxdaasi muddada dheer gacanta ku haysay.

Saraakiisha ayaa sheegay in xubnaha ka haray ISIS ay hadda isku uruursanayaan nawaaxiga Balade, meel u dhow magaalada dekedda ah ee Boosaaso, taasoo loo arko goob istiraatiiji ah oo ay uga dhuuman karaan duqeymaha sii socda.

Mas’uuliyiinta militari ee Puntland ayaa tilmaamay in howlgalka ka dhanka ah ISIS uu marayo gebogebadii, iyadoo la xoreeyey dhammaan deegaannadii kooxdaasi gacanta ku haysay tan iyo 15 sano ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM