Eedeymo culus oo loo jeediyay xafiiska Xamza Cabdi Barre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iscasilaada la taliye sare oo arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka  xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa banaanka soo dhigtay eedeymo cadaalad darro, ku takri fal awoodeed, iyo heyb sooc nidaamka ku dhisan oo ka jira xafiiska Xamsa Cabdi Barre, taasoo dhalisay su’aalo hor leh oo ku saabsan maamulka Muqdisho.

Shamsa Cabdulqaadir Daahir ayaa ku dhawaaqday in ay iscasishay, iyadoo xustay inuu jiro xad-gudub aan loo dulqaadan karin. Warqad istiqaalad ah oo loo diray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo markii hore xilka u magacaabey.

Waxay tiri Shamsa: “Waxaa la igu sameeyay cadaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed, iyo caga jugleyn joogto ah, falalkan waxay ka yimaadeen oo kaliya inaan xiriir la leeyahay maamulka Jubaland”.

Shamsa ayaa ku eedeysay dowladda federaalka in ay  u “diiday xuquuqdeeda dastuuriga ah” ayna bartilmaameed u noqotay arrimo siyaasadeed. Waxa ay cambaareysay faragelinta arrimaha Jubaland, xili uu jiro khilaaf ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe.

Horaantii bishan ayay ahayd markii uu qarxay khilaafka kadib markii Axmed Madoobe ka baxay Shirkii fashilmay ee Gollaha Wadatashiga Qaran. Dhowr wasiir ku xigeen iyo mas'uuliyiin kale ayaa iska-casilay xilalkii ay ka hayeen dowladda Soomaaliya, iyagoo kasoo horjeestay dagaalka lagula jiro Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM