Eedeymo culus oo loo jeediyay xafiiska Xamza Cabdi Barre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iscasilaada la taliye sare oo arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka  xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa banaanka soo dhigtay eedeymo cadaalad darro, ku takri fal awoodeed, iyo heyb sooc nidaamka ku dhisan oo ka jira xafiiska Xamsa Cabdi Barre, taasoo dhalisay su’aalo hor leh oo ku saabsan maamulka Muqdisho.

Shamsa Cabdulqaadir Daahir ayaa ku dhawaaqday in ay iscasishay, iyadoo xustay inuu jiro xad-gudub aan loo dulqaadan karin. Warqad istiqaalad ah oo loo diray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo markii hore xilka u magacaabey.

Waxay tiri Shamsa: “Waxaa la igu sameeyay cadaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed, iyo caga jugleyn joogto ah, falalkan waxay ka yimaadeen oo kaliya inaan xiriir la leeyahay maamulka Jubaland”.

Shamsa ayaa ku eedeysay dowladda federaalka in ay  u “diiday xuquuqdeeda dastuuriga ah” ayna bartilmaameed u noqotay arrimo siyaasadeed. Waxa ay cambaareysay faragelinta arrimaha Jubaland, xili uu jiro khilaaf ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Axmed Madoobe.

Horaantii bishan ayay ahayd markii uu qarxay khilaafka kadib markii Axmed Madoobe ka baxay Shirkii fashilmay ee Gollaha Wadatashiga Qaran. Dhowr wasiir ku xigeen iyo mas'uuliyiin kale ayaa iska-casilay xilalkii ay ka hayeen dowladda Soomaaliya, iyagoo kasoo horjeestay dagaalka lagula jiro Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM