Eedeymo eex oo hareeyay gurmadka dhaawacyada qaraxyadii Soobe

Image
Daldalooladan ayaa la sheegay in ay ka taagan tahay dadaalada dibada loogu qaadayo dhibaneyaasha culus.

MUQDISHO, Soomaaliya - Eex iyo nin-jeclaysi ayaa hareeyay dadaalada dibada loogu qaadayo dhaawacyadda qaraxyaddii Soobe Labo, sidda ay muujinayaan macluumaad xooggan oo soo ifbaxay saacadihii lasoo dhaafay.

Warar madax-banaan ayaa xaqiijinaya in "qaab madax ka taabasho ah" loosoo xulay dadka la qorsheeyay in dibada lagu soo daaweeyo, halka qaar kale "lagu saleeyo cidii iska bixin karta kharashka daruuriga ah".

"Waxaa daruufta looga tagay dad shacab ah oo dhaawacyadooda ay liidato," ayay Garowe Online u sheegeen laba qof oo si dhow ula socota ololaha gurmadka balse codsadey in aan magacyadooda la shaacin.

Eedeynta ugu badan ayaa ku biyo-shubaneysa Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka taasoo lagu eedeeyay in ay "qaab cadaalad darro ah u maareyneyso dadaaladda gurmadka dhaawacyadda".

"Hogaanka wasaaradda ayaa illaa haatan wuxuu u muuqdaa mid mudnaan siinaya dadka ehaladooda ay kamid yihiin dowladda tusaale qofka wasiir u gadaashiisa taagan yahay," ayuu xusay mid kamid ah shaqsiyaadkaas.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeymahan. Balse, xukuumadda waxay horey u sheegtey in ay ahmiyad koowaad siineyso sidii dhaawacyadda loogu daaweyn lahaa gudaha dalka.

Dowladdo dhowr ah ayay sheegtay in ay u dirtey codsi ku saabsan in ay soo diraan dhakhaatiir si ay u daaweeyaan dhaawacyadda "si looga baaqsado daldaloolo horey u soo baxay," ayuu yiri wasiirka amniga.

Maxamed Axmed Doodishe oo u waramay Garowe Online Twitter Space ayaan fahfaahin caqabadahaas la aaminsan yahay in ay banaanka yimaadeen dhaawacyada ka dhashay weeraradii ugu dambeeyay.

Warbino aan wali si ramsi ah loo xaqiijin ayaa tibaaxaya in dowladaha qaadaya dhaawacyadda ay shuruud ka dhigaan in dhibaneyaasha ay iska bixiyaan kharashka ku baxaya inta uu bukaanka joogo waddankaas.

Tani ayaa inta badan waxay saameyn ku yeelaataa dadka danyarta oo u badan dhaawacyadda ama gabi ahaanba u nugul dhibaatooyinka iyo weeraradda kooxaha argagixisadda ay ka geystaan gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo iskaashi iyo wadashaqeyn ka dalbatay Yemen

Yemen ayaa haatan waxa ay dhexda uga jirtaa colaad salka ku haysa is-qabqabsi dhanka xukunka ah.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:07AM

Isku-shaandheyn lagu sameeyay Golaha Xukuummadda ee SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa isbedelkan sameeyay.

  • Soomaliya

    13-05-2024

  • 07:55AM