Eedeyn loo jeediyey guddiga doorashadda HirShabelle

Image
Madaxtooyadda HirShabelle ayaa lagu waramay in ay arrintan wax kala socoto.

JOWHAR, HirShabelle – Baarliin Biin oo dooneysay in wasiir Khadiija Maxamed Diirriye ay kula tartanto kursiga golaha shacabka ay ku leedahay beesha Yaxar ee Hop097, ayaa xalay shaacisay in tartanka laga reebay oo Khadiija Diiriye kursigaas loo xiray.

Baarliin oo warbaahinta kula hadashay Jowhar ayaa sheegtay in guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ay toos uga reebeen tartanka, kadib markii ay hor dhigeen dhowr jid-gooyo.

Caqabada ugu weyn oo ay sheegtay in guddigaas ay hor dhigeen waxay tahay in lagu xujeeyey in ay keensato ID-kaar cadeynaya in ay tahay beesha ay kursigeeda u tartameyso ee Yaxar.

Biin ayaa ku dooday in markii la weydiiyey ID-kaarka ay guddiga hor geysay odayaashii dhaqanka beesheeda, halka Khadiija Diiriye ay la timid odayaal kale oo isla beesha ah, halkaasna lagu cadeeyey in Baariin ay u dhalatay beesha Yaxar.

Odayaasha ka socday garabka Khadiijo iyo kuwa ka socday garabkeeda, Baarliin waxay sheegtay in ay ku jireen labo oday oo wada dhalatay, taas oo guddiga u cadeysay in beesha ay u dhalatay.

“Dhamaan markii aan ka soo gudbay shuruudihii la i hordhigay ugu dambeyntii guddoonka guddiga doorashada HirShabeelle ayaa si cad iigu sheegay in aanan doorashada ka qeyb geli doonin oo aysan u diiwaan geli doonin” ayay warbaahinta u sheegtay.

Waxa ay ku eedaysay Khadiijo Diiriye in ay ergo ahaan u soo qoray dhalinyaro aan beesha u dhalan “taasina ay tahay boob cad”.

Khadiijo Diiriye ayaa horay sheegtay in Baarliin Biin aysan u dhalan beesha Yaxar, isla markaana aysan kula tartami doonin kursiga beesheeda, taas oo sida muuqata ay hadda ka dhabeysay Khadiijo.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiir ka tirsan xukumadda xilgaarsiinta waxay kursigaas ku soo fadhisay tan iyo dowladdii lagu soo dhisay Carta – Jabuuti, 21-sano ka hor.

Khadiijo ayaa shalay Jowhar lagu gudoonsiiyey shahaadada musharaxnimada, Baarliin waxay aheyd halka qof ee beesha u dhalatay oo ku hamisay inay sanadkaan la tartanto, balse waxaa loo cadeeyey in tartanka laga reebay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM