Erdogan oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya kadib markii uu xilkii ka xayuubiyay danjirahii hore ee u qaabilsanaa wadanka, kaasi oo lagu magacaabo Olgan Bekar.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Erdogan ayaa lagu sheegay in safiirka cusub uu noqonayo Mehmet Yilmaz, kaasi oo xafiiska la wareegi doono dhowaan, islamarkaana shaqada halkeeda kasii wadi doona.

Talaabadani ayaa imaaneysa xili Muqdisho ay yimaadeen Arbacadii wafdi balaaran oo ka socday xukuumada Ankara, oo uu hogaaminayey Wasiirka Difaaca, oo kulamo kala duwan la qaatay madaxda dowlada.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka sida wayn utaageera Soomaaliya oo kasoo kabaneysa colaad waxaana ay galaan-gal badan ku leedahay Ankara siyaasada gudaha ee dowladda waqti xaadirkaan jirta.

Shirkado laga leeyahay dalkaan qaarada Yurub ka tirsan ayaa maamula goobo muhiim u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekada Muqdisho iyo madaarka caalamiga ah ee Muqdisho.

Maamulka Farmaajo ayaa si wayn ugu dawaaqay Turkiga wixii ka dambeeyay markii uu dilaacay khilaafka dalalka Khaliijka, kaasi oo la safatay Villa Somalia dowlada Qadar oo xiriir dhow la leh Recep Tayyip Erdogan.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhowaan soo hadal-qaaday xiisaddani wuxuu qiray in saameyn uu ku yeeshay dalka, inkasta oo dusha ka saarey masuuliyada dhibaatooyinkaasi madaxda dowladii horey.

Olgan Bekar oo ah 49-sano jir, kaasi oo leh labo caruur iyo xaas, islamarkaana ku dhashay magaalada Gülnar ee dalka Turkiga sanadkii 1969 ayaa shaqada Soomaaliya loosoo magacaabay 1-da bishii November ee sanadkii 2014.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM