Ergo doorasho oo is-miidaamin lagula eegtay Muqdisho

Image
Kolanyada ayaa kusii jeeday goobta loo asteeyay in ay martigeliso geedi-socodka xulista.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyay Isgoyska Ceel-Gaabta ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, maanta oo Khamiis ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan booliska.

Goobta ay wax ka dhaceen waxaa ku sugnaa ciidamo boolis ah oo ilaalinaya wadooyinka gala xerada Jen Kaahiye oo loo asteeyay doorashadda kuraasta Aqalka Hoose ee gobolada waqooyi.

Warar horudhac ah oo laga helay illo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in qaraxa lala eegtay kolanyo ay la socdeen ergada kuraasta Golaha Shacabka ee Somaliland.

Xogta waxay intaas ku daraysaa in kolanyada ay kusii jeeday Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye oo xulista ay ka bilaabatay saaa. Wali lama shaacin khaasaraha. Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabtey ergada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM