Eritrea oo "dhex-gashay" feylasha sirdoonka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Eritrea ayaa si weyn ugu dhex-milantay xafiisyadda Hay'adda Mukhaabaraadka Soomaaliya, sidda uu shaaca ka dhigay taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda NISA, Cabdisalaam Guuleed.

Mr Guuleed oo u waramay Hanoolaato TV ayaa daaha ka rogay in xukuumadda Asmara ay saraakiil sirdoon kusoo daabushay caasimadda Muqdisho tan iyo markii ay heshiis la galeen maamulka madaxwayne Farmaajo.

Sidda laga soo xigtay sarkaalkan, maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh argagixisada Al-Qaacida ayaa sidoo kale dhex-gashay hay'ada NISA.

"Hay’addihii sirdoonka Soomaaliya Fahad waa burburiyey. Bal waxaan is-leeyahay aad ayay u adag tahay meesha laga soo qaadi doono. Sababtoo ah dhilqaha ku dhex-jira, iyo xasharaadka ku dhexjira ee ah Shabaab, waxa kale iyo Eritrea," ayuu ku sheegay wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo uu bixiyey.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Saraakiishii Eritrea ee tababarayay Maxaakiimta iyo Al-Shabaab dowladdii Sheekh Shariif ayaa maanta ku sugan xarunta Habar Khadiijo, garoonka diyaaradaha Muqdisho ayay joogaan".

"Waana sidda ay ula dhaqmeen dowladda Itoobiya markii ay heshiiyeen – hal mar ayay kusoo yaaceen Itoobiya, feelashii sirdoonka ayay dhex-galeen, dhilqa camal ayay u dhaxgaleen. Maanta Xamar ayay ka ariminayaan. Marka nabad-sugida Soomaaliya waxay u baahan taahy wax badan in lagaxaliyo," ayuu xusay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Guuleed ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu kumanaan askar Soomaaliyeed "ku sadaqeystay" Eritrea. Dhalintaas waxaa lagu duufsaday in laga shaqaaleysiinayo Qadar, balse waxaa loo qaadey tababar ciidan.

Marka laga soot ago sheegashadda Mr Guuleed, warsidaha Garowe Online si madax-banaan uma xaqiijin karo eedeymaha uu jeedinayo.

Hay'adda NISA ayaan wali jawaab rasmi ah ka bixin dhawaqa Guuleed oo bilooyinkii lasoo dhaafay aad u dhaliilaya maamulka Farmaajo.

Dowladda muddo xileedkeeda uu dhamaaday ee Farmaajo oo go’aanada ay qaadaneyso kuwooda ugu saameynta badan uu leeyahay Fahad Yaasiin, agaasimaha NISA, ayaa gacansaar dhow la leh dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM