Soomaaliya oo la doonayo in ay naqdido duulaanka Ruushka

Image
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Muqdisho ayaa arrintan kala hadlay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

GAROWE, Puntland - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann, oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah ku saabsan doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka.

Rooble ayaa sheegay in howsha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ay mareyso heer gebogebo ah, uuna filayo in ay ku soo  dhammaato xilliga loo asteeyay ee 15ka March, taas oo ay xigi doonto doorashada Guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa la iskula soo qaaday taageerada Midowga Yurub ka geysanayaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Danjiraha sheegtay in Midowga Yurub ay 41 Milyan oo dollar u qoondeeyeen gurmadka abaaraha ka jira dalka, ayna taageerayaan dadaallada Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee socda.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri: "Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine iyo saameynta ay ku yeelan karto Yurub iyo guud ahaan dunida".

Intelmann oo qoraal ku daabacdey ciwaankeeda Twitter-ka ayaa caddeysay in Midowga Yurub uu baadigoobayo in Soomaaliya ay cambaareyso "garadda Ruushka kula kacay Ukraine".

"Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladdaas colaadeed, isagoo ku baaqay in wada hadal lagu dhammeeyo colaadda taagan," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM