​Faahfaahin: Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dab xooggan, oo xalay ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha, ee magaalada Muqdishu, kaasi oo galaaftay hanti badan, oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed.

Dabkan oo billowday xilli dambe oo xalay ah, ayaa si gaar ah waxa uu qabsaday qeybta lagu iibiyo Kabaha, oo ku agdhow halka lagu magacaabo Suuqa Sarifka, waxaana uu ku faafey goobo kale oo ka agdhaw.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta dabka, balse dadka qaar ayaa sheegay in uu kasoo bilowday Bakhaar Kabaha la dhigo, iyadoo markii dambe gaarey dhismooyin ka teedsan aaga Sarifka, ilaa Sarta Sheekh Cali Dheere.

Hanti badan ayaa la sheegay in dabkaasi ay ku baaba’day, inkastoo aan wali cadadkeeda la ogeyn, laakiin Saraakiisha Gaadiidka dab-demiska ayaa ku guuleystay inay xakameeyaan awooda dabka iyo fidistiisa, oo markii hore si xowli ah ku socotay, maadaama ay dabeyl xoog leh jirtay.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in Saddex Dhismo, oo kabo ay ku jireen ay ku gubteen dabka Suuqa Bakaaraha, mana jirto Khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaasi, marka laga reebo hantida gubatay.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir, oo ku saabsan waxyaabaha sababay dabkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya: Maxaa laga filan karaa Shirka 10-ka May?

Dhinaca kale, xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxweynihii hore Sheekh Shariif iyo ra’iisul wasaarayaal hore.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 08:23AM