Faahfaahin: Weerar iyo Howlgal ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada dowladda Federaalaka Somalia ayaa Xalay howlgalo waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka waxaa fuliyay Ciidamada Nabad sugidda (NISA), iyo Booliiska, waxaana ay si gaar ah bareen Xaafadaha u dhaw inta u dhaxeysa Isgoysyada Ceel Gaabta iyo Xamar Jajab.

Howlgalka waxa uu ka dambeeyey markii Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Xamar Jajab oo fariisin ku lahaa meel u dhaw Barxada Shaneemo Afrika xalay lagu weeraray bambo gacmeed.

Ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah ayaa lagu soo qabatey Howlgalka, kuwaasi oo qaarkood baaris iyo su’aalo dheer ka dib Ciidamada,dib u fasaxeen Xalay Saqdii dhexe, halka kuwa kalena ay weli ku jiraan xabsiyada.

Taliska Ciidanka Booliiska Somalia ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Xalay waxaa Muqdishu ka dhacay weerar Kooxo hubeysan ay ku qaadeen Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo ku taalla Wadada Warshadaha.

Saraakiisha Militariga dowladda, ayaa sheegay inay iska caabiyeen Weerarkii kusoo qaaday, kadib markii ay muddo daqiiqado ah la dagaalameen kooxdii Weerarka soo qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM