Faahfaahin: Weerar iyo Howlgal ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada dowladda Federaalaka Somalia ayaa Xalay howlgalo waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka waxaa fuliyay Ciidamada Nabad sugidda (NISA), iyo Booliiska, waxaana ay si gaar ah bareen Xaafadaha u dhaw inta u dhaxeysa Isgoysyada Ceel Gaabta iyo Xamar Jajab.

Howlgalka waxa uu ka dambeeyey markii Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Xamar Jajab oo fariisin ku lahaa meel u dhaw Barxada Shaneemo Afrika xalay lagu weeraray bambo gacmeed.

Ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah ayaa lagu soo qabatey Howlgalka, kuwaasi oo qaarkood baaris iyo su’aalo dheer ka dib Ciidamada,dib u fasaxeen Xalay Saqdii dhexe, halka kuwa kalena ay weli ku jiraan xabsiyada.

Taliska Ciidanka Booliiska Somalia ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Xalay waxaa Muqdishu ka dhacay weerar Kooxo hubeysan ay ku qaadeen Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo ku taalla Wadada Warshadaha.

Saraakiisha Militariga dowladda, ayaa sheegay inay iska caabiyeen Weerarkii kusoo qaaday, kadib markii ay muddo daqiiqado ah la dagaalameen kooxdii Weerarka soo qaaday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM