Fadeexad Raskambooni: Khilaaf Gilgilay Villa Soomaaliya

Image

Garowe Online ayaa helay xog muujineysa in khilaaf culus uu ka dhex aloosan yahay madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo salka ku haya dagaalkii ka dhacay deegaanka Raskambooni. Dagaalkan, oo sababay in qaar ka mid ah ciidamada dowladda Federaalka kadib markii lagaga adkaadey dagaalka galaan xuduudka Kenya, halka qaar kalena isu dhiibeen ciidamada Jubbaland.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Garowe Online ayaa tilmaamaya in Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA), General Odowaa Yuusuf Raage, uu eedda dhacdadan dusha ka saaray Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Taliyaha Ciidamada Lugta ee dowladda Federaalka ah. Sida xogtu sheegeyso,  Odowaa ayaa ku hanajabey inuu xilka iska casilayo haddii mas’uuliyadda dhacdadan aan si cad loo qaadan.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in dhacdadani ay dhaawac weyn u geysatay sumcaddii ciidamada SNA, isla markaana ay lumisay kalsoonidii ay beesha caalamka ku qabtay ciidamada dowladda. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada la-tashiyo siyaasadeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay bilaabay kulamo iyo la-tashiyo ku saabsan xaaladdan. Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in dhacdadan ay caqabad weyn ku noqotay qorsheyaashii Villa Somalia, gaar ahaan dadaalladii ay ku doonayeen inay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ka dhigaan mid u hoggaansama siyaasaddooda.

Dhanka kale, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Villa Somalia ayaan weli ka hadlin dhacdadii Raskambooni, xilli  ciidamadii loo qabtey maxaabiista dagaalka dib loogu soo celinayo magaalada Muqdisho.

Beesha caalamka oo ka walaacsan dhacdada

Beesha caalamka ayaa si weyn uga walaacsan sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya u maareysay xaaladdan. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya uu kulan la yeesho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu ugala hadlo dhacdadan, taas oo lagu tilmaamay inay dhaawacday xiriirkii muhiimka ahaa ee dowladda Federaalka iyo beesha caalamka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM