Fahad Yaasiin Daahir oo hakad geliyey isu-socodka Beledwayne

Image
Gacanta midig ee Farmaajo ayaa u tartamaya xubinimadda Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

BELEDWAYNE, HirShabelle – Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Beledweyne ayaa Axada maanta ah u xiran doorashada kursiga Fahad Yaasiin oo codayntiisa ka dhacayso Xarunta gobolka Hiiraan sida ay Garowe Online u sheegeen goobjoogayaal.

Ciidamo farabadan oo iskugu jira dowladda Soomaaliya iyo Hir-Shabeelle ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee Magaalada, waxaana xeritaanka waddooyinka ay saameeyeen Ganacsiga Magaalada.

Qaar kamid ehellada dadkii shalay ku dhintay qarixii Beledweyne ayaa  sheega in ay saaka la’yihiin waddooyin ay maraan si ay meydadka u Aasaan maadaama la xiray wadooyinka magaaladda dhamaantood.

Goordhow ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Beledweyne ka bilaabato doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraasta maanta codayntooda la qabanayo waxaa ka mid ah HOP086 oo mar kale Guddiga doorashada Hirshabeelle lagu amray inuu hakiyo balse ay iska indha tireen sida uu ogaaday Garowe Online.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#086 waxaa u sharaxan yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo hada Beledweyne ku sugan. Fahad ayaa xalay la kulmay hogaan maamulka Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay, kadib markii ay ka hor yimaadeen inta badan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal iyo maamulka Hirshabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM