Fahad Yaasiin oo dhameystirka heshiis Janan u tagaya Gedo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa Arbacada berri ah wuxuu ku wajahan yahay magaaladda Doolow ee gobolka Gedo, sidda ay warsidaha Garowe Online si hoose ugu dusiyeen dhowr illo wareedyo loo qaateen ah.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda, Fahad oo ah mas'uulka ugu tunka weyn maamulka waqtiga ka dhacay ee Farmaajo ayaa ka qeybgalaya munaasabadda "isa soo dhiibida" Cabdirashiid Janan, wasiirkii amniga Jubaland, kaasoo wadahadalo la galay Villa Soomaaliya.

Janan ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, wuxuu dalbadey in Fahad goobjoog ka noqdey u soo wareegitaanka dhanka dowladda waqtiga ka dhamaadey, maadaama isagu ahaa shaqsiga la gorgortamayey.

Mareegga GO ayaa sidoo kale wuxuu fahansan in Fahad iyo Janan ay ku kulmi doonan goob sababo ammaan loo qariyey oo ka tirsan duleedka degaanka Buulo-xaawo, halkaasoo agaasimaha hay'adda NISA uu ku tagi doono baabuurta aan xabada karin ee maanta laga dejiyey magaalada Doolow.

"Fahad wuxuu diyaarad ku tagi doonaa magaalada Doolow halkaasoo uu kasii qaadan doono baabuurta aysan rasaastu karin kuna gaari doonaa Buulo-xaabo maadaama jidka uusan amni ahayn ayna dhici karto in lala eego weerar jidgal ah qaraxyo ah," ayay sheegeen dhowrka illo wareedyo.

Iyaddoo Fahad Yaasiin aad loogu yaqaano in uusan kasoo muuqan shaashadaha, haddana ma cadda hadii Janan iyo saraakiisha taabacsan Madaxtooyadda Soomaaliya ee wadahadalka kula jiray ay warbaahinta la wadaagi doonan fahfaahin ku saabsan is-afgaradka ay qalinka ku duugeen.

Heshiiskan qarsoodiga ah ayay Villa Soomaaliya waxay dooneysaa in ay kusoo afjarto dooda khuseysa gobolka Gedo ee kamid ah caqabadaha hortaagan doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka. Hasa ahaatee, waxaanan la ogeyn qaabka ay Jubaland uga falcelin doonan talaabadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM