Fahad Yaasiin oo "faragelinaya" kala shaandheynta guddiyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa wali wuxuusan fulin heshiiska doorashooyinka, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook, ayaa xusay in Fahad uu faragelinayo kala shaandheynta guddiyada.

Sida laga soo xigtay Warsame, Fahad oo sidoo kale ah gacanta midig ee Farmaajo, ayaa ka shaqeynaya in guddiyada lagu muransan yahay ay baaqi ku ahaadaan saraakiisha dharcadda ee NISA.

"Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska waxey ku ammaanan yihiin in ay fuliyeen qodobka 4-aad ee heshiiska doorashooyinka ee dhigayey in ciidanka qalabka sida uusan ku milmin, faragelinna ku sameyn arrimaha siyaasadda iyo hirgelinta doorashada, balse taliyaha hay’adda Nabadsugidda weli faraha ayuu kula jiraa arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan kala shaandheynta guddiyada. Weli guddiyada waxaa ku jira xubno dharcad ah oo NISA ka tirsan," ayuu Warsame xusay.

Heshiiska 27-dii May ay Muqdisho kaga dhawaaqeen hogaamiyeyaasha Soomaalida wuxuu xeerinayaa in dalka ay doorasho kaga dhacdo muddo laba bilood ah taasoo waqti xaadirkan dhamaad ku dhow.

Isla heshiiskaas ayaa qeexaya in muhiim ay tahay taliyeyaasha ciidamadda aysan ku milmin siyaasadda kana shaqeeyaan kaliya sidii waddanka uga qeybsoomi lahayd doorasho nabdoon oo xalaal ah.

Is-fahamkaas wuxuu meesha ka saarey baaq ka imaanayey qaar kamid ah xoogaga siyaasadda oo ahaa in la bedelo taliyeyaasha ciidamadda si ay u soo laabato kalsoonida dhinacyadda isku haya coddeynta heer federaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM