Fahfaahin kasoo baxaysa Qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Warar iyo Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdishu, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Qaraxan oo ahaa mid culus, oo loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay meel ku dhaw Hotel Makka Al Mukarama, oo ku dhaw Isgoyska Dabka, oo kamid ah wadooyinka ugu mashquulka badan Caasumadda Somalia.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online inuu indhihiisa ku arkay ugu yaraan hal ruux oo meyd ah, iyo saddex kale oo dhaawacyo soo gaarey kuwaasi oo loola cararay Isbitaal ku yaalla magaalada.

Gaari qaraxa ayaa la sheegay in lagu qabtey bar-koonatarool oo ku taalla afaafka Hotel Makka Al Mukarama, kadib markii Ciidamada amaanka ay ka shakiyeen, kahor inta uusan qarxin. Ninkiii watay ayaa goobta isaga cararay, si aan loo qaban, maadama uu fashilmay weerarkiisa.

Saraakiisha amniga waxay sheegeen in la fashiliyay qaraxa, islamarkaana lagu raad-jooggo Darawalka Gaariga.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa caawa, oo noonaya kii labaad oo ka dhacay Wadada Makka Al Mukarama. 

Qaxaxii hore waxa uu ka dhacay irida Hotel Ambassador oo ku dhaw KM4 Jimcihii lasoo dhaafay, 4-ta bishan August, waxaana ku dhimatay ugu yaraan 6 ruux, oo shacab ah, oo haweeney iyo caruur ay kamid ahaayeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Ku Bilowday Dagaalka Doolow? Yey Ahaayeen Dhinacyadii dagaalamey?

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Jubaland…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 09:36PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Waji-Gabax Kala Kulmay Booqashadii Itoobiya

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale yimid kaddib booqashooyin uu ku tagay….

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 08:01PM