Fahfaahin laga bixiyey yagleelida Golaha Badbaado Qaran

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Badbaado Qaran ee Khamiista maanta ah looga dhawaaqay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxay soo saartey war-murtiyeedkii ugu horeeyay.

War-murtiyeedkaas oo ka kooban laba bog ayaa lagu fahfaahiyey sababaha keenay aas-aaskooda, ujeedooyinkooda, xubnaha, waajibaadka shaqo iyo guddoonkooda.

Talaabooyin Farmaajo ku kacay oo ay kamid tahay ku tumasho dastuur, carqaladeynta qabsoomida doorasho xor ah, u adeegsiga ciidanka arrimo siyaasadeed, amrida weerarkii lagu qaadey madaxwayneyaashii hore iyo banaanbaxyada nabadeed iyo is hortaaga shirar wadatashi ayay ku sheegeen sababaha keenay aas-aaskooda.

Ujeedooyinka loo aas-aasay ayay ku xuseen xaqiijinta qabsoomida doorashooyin wada-ogol, badbaadinta nabadda iyo qaranimada dalka si lamid ah ilaalinta xasiloonida siyaasadeed.

Xubnaha kamidka ah ayaa kala ah; Guddoomiyaha Aqalka Sare, Madaxwayneyaasha Puntland iyo Jubaland iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya.

Sidda ku cad bayaanka, waajibaadkooda shaqo ayaa kala ah; u howlgalida qabsoomida doorasho wada-ogol ah, dib-u-heshiisiinta, iyo ka hortagida in waddanka uu galo fashil siyaasadeed.

Ugu dambeyntii, waxay sheegeen in uu guddoomiye u yahay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sare, waxaana wehliya, Deni, Axmed Madoobe, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Hoos ka akhriso qoraalka Madasha Badbaada Qaran

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM